War-murtiyeed Laga Soo Saaray Kulankii Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

0
2046

Djibouti (Hargeisa Press)- Waxaa magaalada Jabuuti ku soo xidhmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka u dhexeeya dhinacyada Somaliland iyo Soomaaliya.

War murtiyeed ay soo saartay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in guddiyo farsamo ay sii ambaqaadaan wadahadallada, kuwaasi oo ka sii socon doona dalka Djibouti.

Laba dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey inaan la siyaasadeyn kaalmada horumarinta iyo maalgashiga.

War murtiyeedku waxa uu ugu baaqay dhammaan beesha caalamka in ay hannaankan wadaxaajood taageeraan.

Kulankii furitaanka ee maanta ayaa waxaa khudbado culus ka jeediyay madaxda ka qaybagshay shirkaasi, sida madaxweynaha Somaliland, Mafaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar xogogaal ah ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in ayna jirin wakhti loo cayimay in wadahadalladan lagu soo afjaro.

Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa u dhignaa sidan:-

1. Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen kaalinta muhiimka ee Jamhuuriyadda Djibouti kaga jirto nabadaynta Gobolka Geeska Afrika.

2. Waxa la isla gartay in muddadii ka horaysay shirkan taariikhiga ah ay dhaceen dhawr wareeg oo wada-hadallo ah balse aan midho dhalin.

3. Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wefti ay dib u bilaabaan wada-hadalladii labada dhinac, sidoo kale ay daba-galaan heshiisyadii iyo arrimihii hore loogu heshiiyey ee aan fulin.

4. Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn gar-gaarka dhinaca horumarka iyo maal-geshiga.

5. Shirku waxa uu soo jeedinayaa in Djibouti noqoto goobta Shirarka Farsamo ka qabsoomayaan.

6. Waxa la isla gartay in muhiimadda u saraysa ay leedahay danaha labada shacab ay ahaato xuddunta wada hadallada labada dhinac.

7. Shirku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ururada gobolka, qaaradda iyo caalamkaba in ay isugu geeyaan taageeradooda wada hadalladan.

War-murtiyeedkan waxa ku saxeexan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Djibouti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here