Maamulka Gobolka Awdal oo Gubay Jaadkii Ugu Badnaa

0
1553

Boorma (Hargeisa Press)- Maamulka gobolka Awdal iyo ciidamada Booliska Somaliland ee gobolkaas ayaa galabta Gubay 1700 oo marduufΒ  iyo kun kiiloo kilo ooΒ  Jaad ah, kuwaas oo ay ciidanka booliska Somaliland ee gobolka Awdal gacanta kusoo dhigeen iyaga oo gacan ka helaaya maamulka kastamka iyo sarkaal ka socday wasaaraddaΒ  horumarinta maaliyadda , qaybta kastama.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Awdal Cabdiraxmaan Colhaye oo goobta Jaadkaas lagu gubay ka hadlayΒ  ayaa sheegay in baabuurtii ay ku qabteen jaadka ay maxkamada hore keeni doonaan si loogu fuliyo sharcigii lagula wareegaayey gaadiidkaas, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in maxkamadda la keeni doono dad iyaguna dameero gobolkaas kusoo geliyey Jaad iyo kuwo kale oo korkooda kusoo qaadayba.

Axmed Cali Gaaxnuug oo Sarkaal ka tirsan wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland gaar ahaana qaybta kastamada ah ayaa isna ka warbixiyey habkii ay ciidamadu usoo qabteen Jaadkan faraha badan , waxaanuΒ  shaqadan ku amaanay ciidanka booliskaΒ  iyo dadweynaha gobolka Awdal oo uu sheegay in ay gacan weyn ka siiyeen Ciidamada shaqadan.

Badhasaabka gobolka awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo halkaas ka hadlay ayaa isna sheegay in xuduudka Somaliland la wadaato dalka Ethiopia uuΒ  uga dhow yahay gobolka Awdal goboladda kale, sidaas awgeedna uu gobolku u nugul yahay soo gelitaankaΒ  kotarabaan, kagana dhib badan yahayΒ  sida loola dagaalamayo goboladda kale.

Badhasaabku waxa uu sheegay in ay dedaal ugu jiraan sidii ay ula dagaalami lahaayeen jaadka sharci darada kusoo gelaaya dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here