Maamulaha Hass Petroleum Oo Ka Warbixiyay Mashruuc Goboladda Lagu Gaadhsiinayo Haamaha Gaasta

0
785

Hargaysa (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland iyo haayadda UNDP ayaa dabayaaqadii bishii hore ee October waxay shaaciyeen barnaamij ay iska kaashanayaan oo hoos loogu dhigayo qiimaha Haamaha Gaasta cuntadda lagu karsado.
Barnaamijkaasi oo ay dhaqaale ahaan kaabayaan UNDP iyo wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa markii qandaraaskiisa la baahiyay ay ku guulaysatay shirkadda Hass Petroleum ayaa qorshuhu yahay in muddo lix bilood ah magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland lagu gaadhsiinayo 2910 xabadood oo ah haamaha Gaasta ee 6KG ah.


Haamahaasi oo qiimaha lagu iibinayo laga dhigay $12 dollar haanta 6KG ah, isla markaana ay fulinayso shirkadda Hass Petroleum oo barnaamijkaasi ku guulaysatay.
U jeedadda ugu weyn ee ay wasaaradda deegaanka Somaliland iyo UNDP ka leeyihiin barnaamijkaasi ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka bulshadda ee Gaasta cuntadda lagu karsado.
Taasoo qayb ka ah dedaaladda loogu jiro wax ka qabashadda dhibaatadda deegaanka lagu hayo gaar ahaana Dhuxulaysiga.


Iydoo haddii ay korodho isticmaalk bulshadd ee Gaastu daawo u noqonaysa in ay hoos u dhacdo Dhuxulaysiga iyo jarist dhirta.
Si aan xog badan uga helno mashruucan ay shirkadda Hass Gas magaalooyinka goboladda Somaliland ku gaadhsiinayso haamaha gaasta, waxaanu arrintaasi ka waraysanay maamulaha guud ee shirkadda Hass Petroleum ee Somaliland Mahad Cabdi Cali.
Waxaanan Mahad, wax ka waydiinay in uu faahfaahin ka bixiyo barnaamijkani iyo halka uu marayo.


Isagoo ka hadlayay sida uu mashruucaasi ku yimid wax uu yidhi, “Mashruucani sida uu ku yimid waxay ahayd, wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland iyo haayadda UNDP ayaa iska kaashanayay, oo kabayay mashruucan. Markaa waxay yidhaahdeen wasaaradda deegaanka iyo UNDP si ay u kordhiyaan isticmaalka bulshadda ee Gaasta cuntadda lagu karsado, waa in aynu Gaasta kabanaa. Hadaba si aynu Gaasta u kabno, waxaynu u baahan nahay in aynu dadka kharashka Gaasta qayb ka mid ah ka bixino.
Waxaanu waydiinay maxaad uga wada bixin waydeen? Waxay nagu yidhaahdeen waxaanu diidaynaa in ownership nimadii ay meesha ka baxdo, oo qofku waa inuu dareemaa in hanta Gaasta laga laga soo siiyay. Markaa sidaa ayay wasaaradda deegaanka iyo UNDP u jebiyeen qiimaha.
Anagu ka shirkad ahaan, baahinta qandaraaska ay baahisay wasaaradda deegaanka Somaliland warbaahinta ayaanu ka aragnay, bishii October ee sanadkan 2020-ka. Kadibna sidaas ayaanu qandaraaskii ku dalbanay. Waa na loo yeedhay, waxaana na loo sheegay in aanu anagu ku guulaysanay. Su’aalo ayaana la naga waydiiyay sida aanu u fulin karayno mashruucaasi. Waxaanan u sheegnay in sida ugu fudud ay tahay, maadaama oo aanu qiimihii Haanta Gaasta hoos u dhignay, isla markaana aanu shirkad ahaan meello badan ka hawl galno in aanu bulshadda uun u fasaxayno.
Sidaas ayaanan heshiiska ku kala saxeexanay wasaaradda deegaanka Somaliland. Anagu na aanu hawshii ku bilawnay. Sidaas ayaanu hawshii ku socotaa”.


Mahad Cabdi Cali, waxa kaloo uu ka warbixiyay halka uu marayo qorshihii ahaa in Hass Petroleum ay muddo lix bilood ah magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland ay ku gaadhsiiyaan 3910 xabadood oo haamaha Gaasta 6KG ah.
“Maanta lixda magaallo ee goboladda waaweyn ee Somaliland oo uu ku salaysnaa mashruucu iyo dhamaanba xarumaha ay shirkadda Hass Gas ku leedahay magaaladda Hargaysa iyo magaalooyinka lixda gobol ee waaweyn si isku mid ah ayay dadku uga heli karaan.
Waana $12 dollar qiimaha lagu iibinayo hanta Gaasta ah ee 6KG. si wanaagsan ayaanu mashruucaasi u socdaa, waxaanan rejaynaynaa in muddo lix bilood ah uu ku soo gebagabo. Waa 2910 xabadood ee Haamaha Gaasta ah”ayuu yidhi maamulaha Hass Petroleum ee Somaliland oo waraysi gaara siiyay wargeyska DAWAN.
Sidoo kale Mahad Cabdi Cali, ayaa sharaxay faa’iidadda ay isticmaalka Gaastu u leedahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka. Waxaanu yidhi, “Deegaanka muhiim bay u tahay isticmaalka Gaastu. Deegaanka waxaa qayb weyn ka ah waa Dhirta, waxa ugu badan ee la ilaalinayaa na waa geed in la jarro ama la gubo, oo kadibna Dhuxul laga shido ama Xaabo laga dhigto. Taa ayaanay bad-baadinaysaa. Markaa Gaastu waa ta faa’iidadaa leh.
Gaastu, waxa kaloo ay leedahay faa’iidadda ah nadaafadda, oo deegaanka iyo nadaafadda labaduba way isku xidhan yihiin. Gaastu waxay leedahay faa’iido ah in aan gurigaagu Dhuxul iyo qashin yeelan. Waanay ka deg degsiimo badan tahay Gaastu, Dhuxusha, oo inta uu qofku wakhti badan Dhuxul soo shidi lahaa, Gaasta mar keliya ayaad Olo’linaysaa”.


Geesta kale, maadaama oo la jebiyay qiimaha lagu iibinayo Haamaha Gaasta sidee ayay bulshadda Somaliland u fahmeen iibsiga ama isticmaalka Gasta wax lagu karsado, Mahad Cabdi Cali, oo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi, “Bulshadeena marka hore ba way ilbaxday, oo way isticmaalaan Gaasta cuntadda lagu kariyo. Bulshadeenu maanta waa u diyaar isticmaalka Gaasta. Markii aanu bulshadda u sheegnay in aanu qiimihii ka jebinay, xayaysiis kale umay baahan, oo maalintii ay wasaaradd deegaanku shaacisay ba waa lagu soo jabay iibsig Haamaha gaasta.
Markaa imika saxmadda bulshadda iibsanaysa darteed, saacado ayaanu u kala samaynaysa iyo saacado ay iibsadaan. Waxaanay u muuqataa in wakhtigii loo qabtay mashruuca xili ka horaysa ay ku dhamaanayaan. Marka la eego siday dadweynuhu u xiisaynayaan”.


Dhinaca kale mar haddii ay bulshadu si xawli ah u iibsanayaan Haamaha Gaasta ee wax lagu karsado, isla markaana lagaba yaabo in xiligii loo qorsheeyay mashruucani in lagu fuliyo ka hor ay ku dhamaato.
Shirkadda Hass Gass ma u diyaarisay bulshadda goboladda Somaliland xaddi ku filan oo ah Haamaha Gaasta ee 6KG ah si aanay uga kala gu’in bulshadda u baahan iibsiga haamahaasi.
Maamulaha guud ee shirkadda Hass Petroleum ee Somaliland Mahad Cabdi Cali, ayaanu su’aashaasi waydiinay.
Waxaanu ku jawaabay, “Haa waanu haynaa in ku filan bulshadda. Marka hore ba waanu ka diyaar garownay. Waanay noo taalaa in ku filan bulshadda. Mana kala go’ayso Gaastu oo way iska soo daba dhacaysaa. Waa in aad ogaataa in ka yar 30% ayaa bulshadeena isticmaasha Gaasta cuntadd lagu karsado.
Haddii ay inoo gaadhi lahayd in 50% dadkeenu ay isticmaalaan Gaasta, waynu ku filan tahay. shirkadaha Gaasta ka ganacsadaa 30% wax ka yar ayay dadkeena ka iibiyaan. Markaa lagama fikirayo dadkii Gaasta mala gaadhsiin karaa, oo Gaas inagu filan way taalaa, sida biyaha oo kale. Laakiin, waxaa la is waydiinayaa, ama waa in laga fikiraa bulshadu sidee ayay ku fahmi kartaa? In ay Gaasta isticmaalaan, oo ay aad u iibsadaan.
Taas in aynu ka fikirno ayaa muhiim ah. Laakiin, in Gaas yaraan ama Gaas la’aani inagu dhacdo, taa iyada kama wel-welayno”ayuu yidhi Mahad Cabdi Cali.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

Xigasho: Wargeyska Dawan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here