“Ma Jiro Wax Khilaaf Ah oo U Dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti..”Wasiir Maxamed Kaahin

0
1350

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeya Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti oo la xidhiidha arinta xadhiga Cabl-ka internetka.

Waxaa kale oo uu Wasiirku ka hadley Markab ay leedahay dawladda Jabuuti oo la sheegay in uu waday xadhiga Internet-ka ee loo yaqaano Viber Optic oo soo galay xeebaha Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad tababar ah oo loo qabtay Warbaahinta magaalada Hargeisa ayaa sheegay in aanu Markabkaasi u socon Somaliland, balse markabkaasi uu u socdo dhinaca wadamadda Bariga Afrika oo uu gaadhsiinayo xadhiga Cable-ka Internet-ka.

Waxaanu yidhi, “Markab meelahan marayay ayaa dawladdii Jabuuti iyo Somaliland isku haystaan, wax dawladda Jabuuti iyo ta Somaliland isku haystaa-na ma leh. Markab ayaa xayn-daabkan inoo dhaw maraayay, kaasoo ku socday ilaa Bariga Afrika (East Africa) ayuu ku socday.

Shirkad ayaa laga soo kiraystay markabkaasi, xadhiga Cable-ka ayuu dhigayaa Berbera uma socdo horteena ayuu maraya, xuduudahee-na Badda kuma jiro”.ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Geesta kale, wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in uu khilaaf u dhexeeyo Somaliland iyo dawladda Jabuuti.

Waxaanu sheegay in aanu jirin haba yaraatee wax khilaaf ama muran ah oo labada dal ka dhexeeya. Isagoona carabka ku adkeeyay in aanu markabka xadhigaas wadaa soo maraynin xeebaha Somaliland.

“Dawladda Somaliland iyo dawladda Jabuuti, iskuma haysato wuu socda xadhigiisiina wuu dhigayaa, xuduudaheena iyo baddeenana waynu ilaashanaynaa.

Wax Somaliland iyo Jabuuti ay isku haystaa-na ma jiro. Waana arrimaha u baahan had iyo jeer in aan warbaahinteena ka xaqiijino”ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here