London: Maxaad ka taqaan Taksiilaha Soomaaliyeed ee Taajirka ah?

0
1169

LONDON, (HargeisaPress) —Maxamuud Axmed Diiriye  waa Soomaali ku nool Magaalada London kuna taksiileeya – Rolls Royce – gaadhi qiimihiisu yahay £280,000 Pounds ama $400,000 Dollars.

 

“Dadku waxeey iigu yeedhn Taksiilaha Taajirka, waxaan ahay ninka kaliya ee Soomaaliyeed ee ku taksiileeya gaadhiga la yidhaa Rolls Royce” sidaasi waxaa yidhi Taksiile Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed Diiriye Guuleed kuna nool wadanka UK, kaasoo wareysi muuqaal ah oo gaar ah siinayay warbaahinta Dalsoor.

Maxamuud waxa uu wadanka UK tegay sanadkii 1989-kii asigoo Qaxooti ah, halkaasoo uu ka bilaabay wax barashadiisa aasaasiga ah, waxaana uu shaqada Taksiilanimada bilaabay sanadkii 1996-dii.

 

Halkaan ka daawo Muuqaalka Wareysiga Taksiilaha Taajirka:

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here