Laba Qof oo Ku Dhaawacmay Muran Dhul oo Ka Taagan Galbeedka Hargeysa

0
1828

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ugu yaraan inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa waxaa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad muran dhul ah oo ka taagan galbeedka magaalada Hargeisa.

Iska hor imaadkan sababay dhaawaca ayaa saaka subaxii hore dhexmaray ciidamo boolis ah iyo dadweyne shacab ah oo dhulkaasi degan.

Muuqaal laga soo duubay iska hor imaadkaasi ayaa la arkayay Ciidamada Booliska oo si arxan daro ah Rasaas ula dhacaya dadkaasi.

Dhaawaca labada qof ayaa waxaa hada lagu dabiibayaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Dhulkan ayaa waxaa mudooyinkii u dambeeyay ka taagnaa muran xoogan oo u dhexeeya madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo dad shacab ah oo goobtaasi degen.

Madaxweyne Biixi ayaa dhowr jeer goobtaasi geeyay ciidamo tiro badan si uu dadka degan goobtaasi uga raro lkiinse uu ku guul daraystay, iyadoona xabsiga uu dhigay qaar ka mid ah qoysaskaasi.

Wariye: Xamse Jirde

Hargeisapress Desk

Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here