Diyaarrado Ayaxa Dusha Sare Ka Buufinaya Oo Soo Gaadhay Somaliland

0
1306

Hargaysa (HP):Laba diyaaradood oo nooca qumatiga u kaca ah oo loogu tallo galay in ay hawadda sare ka buufiyaan Ayax ku habsaday goboladda Somaliland ayaa maanta soo gaadhay dalka.

Labadan diyaaradood ayaa la filayaa in ay ka qayb qaataan la dagaalanka Ayax aad u fara badan oo aafeeyay dhul beereedkii iyo dhul daaqsimeedka Somaliland.

Waxaana ka gacan gaystay ama ka soo shaqeeyay in labadan diyaaradood ay soo gaadhaan Somaliland  hay’adaha FOA iyo USAID.

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland ayaa maanta labadas diyaaradood ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Hargaysa oo ay ka soo degeen.

Waxaana wasiirka wehelinayay agasimaha guud ee wasaaradda beeraha, maareeyaha wakaaladda duulista Somaliland, iyo wakiilka hay’adda FOA u jooga Somaliland.

 

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here