KULMIYE oo Caddeeyay Inuu Diyaar U Yahay La-Tartamida Urrurada Soo Baxay

0
817

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbi xaakimka Kulmiye ee talada Somaliland haya, ayaa caddeeyay in uu diyaar u yahay in uu la tartamo urrurada siyaasadda ee soo baxay, waxaanu bogaadin u diray 9 ka urur siyaasadeed ee soo gudbay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, ayaa soo dhaweeyay sagaalka urur siyaasadeed ee ka soo gudbay tartankii madax taabashada kunka qof oo lagu kala saarayay 14 urrur.

Waxa uu xusay Axmed Cabdidheere in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin in ay la tartamaan, horena ula tartameen.

Geesta kale, waxa uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan ka xisbi ahaan sidii ay mar saddexaad ay talada dalka ugu guulaysan lahaayeen.

“In ururadii ay ka soo hadheen sagaal la tartamaya saddexda xisbi diyaar ayaanu u nahay haddii aanu xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE nahay in aanu la tartano horena waanu ula tartanay, waxaanu ka shaqaynaynaa tartankaasi sidii aanu mar saddexaad ugu guulaysan  lahayn,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here