Kulanka Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo Hada Socda (Sawirro)

0
1513

Djibouti (Hargeisa Press)- Waxaa hada dalka Jabuuti si rasmi ah uga socda kulan ay ku wadahadlayaan wufuud ka kala socata dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeybgalay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Dhanka kale, waxaa kulanka goobjoog ka ah madaxweynaha martida loo yahay ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobbiya Abiy Ahmed.

Shirkan oo casuumaddiisa ay soo baxday maalmo uun ka hor ayaa waxaa loo fadhiyaa kulankiisii ugu horreeyay kaas oo ay albaabadu u xidhan yihiin.

Ma cadda ilaa iyo hada ajandaha rasmiga ah ee labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wadahadlayaan.

Hoos ka daawo muuqaalada sawirrada

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here