Isu Duwaha Caafimaadka Togdheer Oo Lagu Wareejiyay Baabuur Unbalance ah

0
892

Burco (HP): Maamulka gobolka Togdheer ayaa maanta ku wareejiyay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolkaasi baabuur nooca gar-gaarka deg dega ah iyo qalab kaloo caaafimaad.

Baabuurkan Unbalance ka ah iyo qalabkan kale ee caafimaad waxaa gobolka Togdheer ugu deeqay shirkadda waddaniga ah ee DAHABSHIIL Group.

Qalabkan caafimaad waxaa ka mid ahaa mishiinka lagu baadho dadka looga shakiyo caabuqa Corona Virus iyo qalabka Hawadda (Oxygen-ta) dhaliya.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer ayana qalabkaasi ku wareejiyay Isu duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Aadan Casayr.

Waxaana goob joog ka ahaa badhasaab ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), masuuliyiin ka socday shirkadda Dahabshiil group, isu duwaha wasaaradda caafimaad ee Togdheer iyo masuuliyiin kale.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here