Kulan Muhiimadiisu ahayd Xoojinta Xidhiidhka, Xogta iyo Xoolaha oo Guddida Heer Qaran ee Taakulaynta abaarahu la yeesheen Guddida gurmadka abaaraha ee Gobollada Awdal/Salel + SAWIRRO

0
886

HARGEISA , (HargeisaPress) —Kulan abaabulan oo galabta ka qabsoomay xarunta qasriga Madaxtooyada JSL,ayaa markii  kulankaasi soo dhamaaday waxaa Saxaafada uga  warbixiyey  Xoghayaha Golaha Wasiirrada JSL ahna Xoghayaha guddida heer qaran ee taakulaynta  abaaraha Mud. Sharmake Axmed Muxumed Geelle haddaba, muhiimada kulankaas  oo nuqul kamida na soo gaadhay ayuu Xoghayuhu  ku sheegay in uu ahaa sidii loo midayn  lahaa; xogta, xooga, xeelada, xoolaha iyo xirfada guddida heer qaran iyo Guddiyada heer Gobol isla markaana loo xakaym lahaa  cidwalba oo aan ka qorshe qaadan  guddida heer qaran ama gobol

KULAN 4

Haddaba, ugu horaynaba xoghayaha oo ka warbixiyey go’aamadii la isla qaatay ayaa u dhignaa sidan:

1-      1- Kadib markii dalku galay xaalad xaaluf iyo xoolo la’aan ah abaartuna u muuqatay mid daba dheertay

2-      2- Kadib markii guddidu isla aragtay kaalinta  qorshuhu u leeyahay quudinta

3-     3-  Kadib markii guddidu isla garatay qiimaha ay leedahay midaynta

  • Xoogga
  • Xeelada
  • Xoolaha
  • Xogta iyo
  • Xidhiidhku  u leeyihiin in la helo qorshe cad oo lagu hawl galo

KU LL

4-      1- Guddidu iyagoo  ka taxadaraysa  in  arin xumo abaar ka darane  ay dhacdo in  deegaanada qaarna  mucaawinooyin  badan la iska daba geeyo halka deegaan u dhawna gaajo loogu go’ayo

 

5-      2- Guddidu Iyagoo ka  baaqsanaya  in habqan iyo farsamo xumo badan ka dhacdo isdhex qaadka mucaawinooyinka bulshada, hay’adaha samafalka iyo gurmadka dawladuba

KULAN 2

Guddidu waxay go’aamisay sidan soo socota:

1-      1- In la adkeeyo xidhiidhka guddiyada heer gobol la leeyihiin guddida heer qaran, halkaas oo laga  bilaabay guddida heer gobol ee Awdal/Salel maadama xaalada ugu adag maanta deegaankooda ka taagan tahay.

2-     2-  In jihaynta iyo ogolaashaha rasmiga ah ee qaybinta deeqaha ay yeelan doonaan guddida heer qaran oo u maamul daadajin doona heer gobol si looga baaqsado habqan iyo isdhex-qaad

3-      3- In dhawaan qoraal amar ah laga soo saari doono hay’adaha khayriga ah ee ka dhago-adayga in ay u hogaansamaan amarada guddida ee nasteexa ah.

4-      4- Guddidu waxay cod dheer ku adkaynayaan  in bulshadu is wada saamaxaan sidoo kalena towbada iyo dembi dhaafka badiyaan si deeqda Alle oo kaliya ayaa lagu kaaftoomaye uu inoogu naxariisto

KULAN 5

Waxaa sidoo kale isna goobta hadalo duco iyo dareen badan ka muuqdo ka jeediyey Khadiibka Masaajidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan Cadhoole isagoo xusay sida ay maanta lagama maarmaan u tahay in dhinaca iyo dhabarka la isa saaro isla markaana dhan looga wada jeesto lahaa abaartan aafada noqotay taasoo dad iyo duunyaba damaqday.

 

Gudoomiyaha Guddida gurmada abaaraha ee gobolada Awdal/Salel Sheekh Maxamed Daahir Dhawal ayaa isaguna goobta ka xusay muhiimada xidhiidhku leeyahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in cuddud iyo caqliba maanta la isku daro isagoo xusay kaalinta guddida heer qaran kaga jirto dedaalka iyo gargaarka loo fidinayo dadka abaaruhu halakeeyeen isla markaana duco iyo amaan u jeediyey cidwalba oo deeq iyo damqasho u hibaysay dadkaas xoolo iyo xoog-ba beelay

KULAN 3

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL isla markaana xubin ka ah guddida heer qaran ee taakulaynta aabaraha Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo kulankan soo xidhay ayaa si adag uga hadlay hay’adaha khayriga ah ee aan tallo iyo tillmaam ka qaadanayn guddida heer qaran isagoo xusay in  ay taasi keentay farsamo xumo iyo faro-ka bax waxaanu Wasiirku u mahadceliyey cidwalba oo gacan iyo garab ka gaysatay gurmadka loogu jiro dadka walaalahood ah ee aan biyo iyo baad toona haysan waxaanu xusay in  gurmad  ka kooban 3,000 oo qoys ay  maalmahan ka bixi donnaan  Caasimada Hargeysa kuwaas oo u  sii jeeda deeganada  Awdal/Salel isagoo adkeeyey doorka xukuumadu kaga jirto  gargaarka loo fidinayo dadkaas abaaraha la ildaran.

 

Wasiirka ayaa  sidoo kale duco iyo amaan u soo jeediyey warbaahinta kala duwan ee ku hawlan baraarujinta dadka isagoo sidoo kalena ka codsaday in ay dedaalka sii laba-laabaan,

 

Isku soo wada duuboo kulankan ayaa noqonaya  mid imanaya xili loo baahnaa isla markaana bilow wanaagsan u noqon doonaa qorshe iyo quudin wada socda iyo xoog iyo xeelad wada shaqaynaya.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here