DJIBOUTI: Madaxweyne Geelle oo la kulmay Shaqaalaha Dowladda + SAWIRRO

0
1062

Djibouti, (HargeisaPress) —Iyadoo Dalka Djibouti ay ka socdaan ololaha Doorashooyinka Xisbiyada aqlabiyadda dalkaas iyo Axsaabta Mucaaradka ah ay ku doonayaan inay ugu tar-tamaan doorashada madaxnimo ee bisha soo socoda ka dhici doonta dalkaas, ayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ahna Murashaxa xisbiga UMP la kulmay shaqaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Kulan uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle la qaatay shaqaalaha dowladda ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Ganacsatada Jabuuti, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha_Jabuuti_Geelle (3)

Sidoo kale, intuu kulanky socday ayaa waxay shaqaaluhu su’aalo kala duwan oo la xiriira hurumarinta shaqaalaha iyo xuquuqdooda waxay weydiiyeen madaxweyne Geelle oo ah murashax u taagan doorashada madaxnimo ee Jabuuti.

Ololaha Doorashooyinka djib

Dhanka kale, dalka Jabuuti oo ah dal ku yaalla Geeska Afrika, ayaa waxaa shantii Sannaba mar ka dhacda doorashada madaxweynenimada iyadoo dhowr jeer oo is xiga dadka Jabuuti doorteen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen inuu yahay mas’uul Jabuuti ka qabtay hawlo badan oo la taaban karo.

Madaxweynaha_Jabuuti_Geelle (1)

Ugu dambeyn, Doorashada Hoggaanka Dalka Jabuuti ayaa dhacaysa 08-da Bisha Abril ee sannadkan 2016, iyadoo murashaxiinta u taagan ay illaa lix musharax gaarayaan, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle.

 

 

Muna Yusuf —  Djibouti

HargeisaPress News Desk — DJIBOUTI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here