Kooxda Somaliland ka Socota ee ka Qayb galaysa Tartanka Dalalka aan la Aqoonsan oo Gaadhay Dalka ABKHAZIA + SAWIRRO

0
810

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kooxda Somaliland kasocota ee ka qayb galaysa Koobka Kubadda Cagta ee loo qabto dalalka aan la aqoonsan,ayaa  gaadhay Dalka Abkhazia ee isagu Marti galiyay Ciyaartaas.

 

Gudoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Qurba Joogta Somaliland Mudane Cabdi Xusein Xadka oo isagu ka mid ahaa Ciyaaryaahanadii Xulka Gobolka Waqooyi Galbeed oo ay waheliyeen Xubno ka mid ah Guddida Ururkaasi ayaa si weyn uga soo shaqeeyay in ay Somaliland ka midnoqoto Kulankan.

CjZ_EenWEAAhQa-

Dhinaca Kale Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland oo iyadu Tahliwayday in Horumariso Ciyaaraha Somaliland  ayaa Caqabaddo Joogto ah ku haysay Dadaalkii ay Kooxdani ugu jirtay in ay ka qayqaadato, Muujisana Magaca Somaliland maadaama Bishan si weyn loogu dabaal dagayay Munaasibadda 18 May.

 

Sidoo kale Muwaadiniinta Hawshan wada ayaa waxa ay ku wadaan hawsha Qaab Mutadawacnimo ah,iyaga oo qofkastaaba noolkiisa iyo Kharashkiisa la baxay,oo aanay jirin Dawlad ama urur kale oo gacan ka siiyay,sidaa oo ay tahay ayaa Xukuumadda Somaliland Masuuliyiinteeda u Fadhiya UK, ay Carqaladeeyeen iska daa gacan iyo garab ay siiyaane.

Somaliland_in_Abkhazia_2016_World_Cup_for_rebel_republics

Geesta kale Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ayaa ah mid ku fashilantay adeegii ay Bulshada u haysay oo ahaa in ay horumariso Ciyaaraha,iyada oo dhalinyaradiina Niyad jabisay oo aad ka garanayso sida ay dhalinyaradii isu Miidaaminayso ee ay u tahriibayso.

 

Garoonka Kubadda Cagta Caasimadda Hargaysa  oo la dayactiray,isla markaana Wasaaraddu tahli wayday in ay wax ciyaaro ah ku qabato ,ayaa gabi ahaanba Roogii la dhigay uu daadku qaaday,oo ay garan kari wayday in daadka ka moosto.

1-65 (1)

Ugu danbayntii Kooxda Kubadda Cagta ee Somaliland ka socotaa waxa ay inaga Mudanyihiin in aynu taageero laxaadleh la barbar istaagno.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here