Ardayda Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Ee Somalilnd Oo Maalinta Bari Ah U Fadhiisanaya Imtixaankii Shahaadiga Ahaa

0
806

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa maalinta bari ah oo ah maalin sabti ah kuna beegan may.28,2016-u fadhiisanya imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee dalka Somaliland gaaar ahaan ardayda fasalada 8-aad oo dugsi dhexe ah iyo ardayda 4-aad oo dugsi sare ah.

 

Waxaana ardayda sanadkan dhamanaysa sanad dugsiyeedkii u danbeeyey ay si wayn ugu diyaar garoobayan imtixaanka shahaadiga ah,waxaana indhahaagu qabanayaa arday koox koox u wada socota oo isku diyaaarinaysa imtixaanka isl markaaan qaybaysa casharada imtixaanka lagaga qadayo.

 

Waxaana wasiirka waxbarashada Somaliland iyo gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka shahaadiga ay maanta u kala direen munaaqibiintii waday imtiixanka gobolada Togdheer,Saaxil,Awdal iyo laascaanood iyo shalay subax imtixanka loo direy gobolada sanaag iyo badhan.

 

Gagabadiina waxa shalay ilaa saaka loo qaybinayaa ardayda kaadhadhkii ay ku gali lahayeen imtixaanka (Rol Number) iyo waliba dugsiyadii ay ku galayeen ardayadu imtixaanka.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here