Khilaafka Dalladda SONYO Oo Wali Cakiran iyo Wasiiradda Qorshaynta iyo Ciyaaraha Oo Warqado Iskhilaafsan ka Soo Saaray

0
984
Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirada Qorshaynta Dr Sacad Cali Shire iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa soo saaray Qoraalo kala duwan oo ku saabsan Muranka doorashada hogaanka Dalladda SONYO ee muddada taagnaa.
SONKGJ2
SON KGYE 3

Qoraal Maanta ka soo baxay Wasiirka Qorshaynta ayaa lagu sheegay in la joojiyo hawlaha dalladda inta laga xallinayo khilaafka labada garab u kala jabiyay SONYO, hase ahaatee Wasiirka Ciyaaraha ayaa isna soo saaray Qoraal uu ku sheegayo in la dhameeyay Murankii islamarkaana labadii hogaan ee muranku u dhexeeyay mid ahaan ku sheegay inuu yahay Hogaanka Saxda ah.

SON YTT

Dhinaca kale Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Cabashooyin ka soo gaadheen Ururada qaybta ka ah Dalladda SONYo,kuwaasi oo codsanaya in wax laga qabto Khilaafka Dalladda islamarkaana aanay jirin in la xalliyay KHilaafkii arrimaha hogaanka ku saabsanaa.
HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here