Khabiirro Ka Socday CONIFA Oo Burco Lagu Soo Dhaweeyay+Sawirro

0
753

Burco (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa maanta magaaladda Burco ku soo dhaweeyay laba xubnood oo khabiirro ku ah arrimaha cayaaraha oo ka kala socday xidhiidhka kubadda cagta wadamadda aan la aqoonsan ee CONIFA.

Labadan xubnood oo todobaadkan soo gaadhay Somaliland ayaa u jeedadda socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen garoomadda kubbadda cagta.

Maadaama la qorsheeyay in sanadka 2020-ka tartanka cayaaraha qaramadda aan la aqoonsan lagu qabto Somaliland.

Waxaana imaatinkoodda Burco ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo la taliyaha wasiirka ciyaaraha Xasan Waraabe Cadee.

Kuwaasoo booqday garoonka kubadda cagta magaaladda Burco ee Alazy Stadium.

Intaas ka dib ayaa xubnahan ka socday xidhiidhka kubbadda cagta ee CONIFA waxaa qado sharaf  ku casuumay xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here