Kenya Oo Somaliland Ka Taageeraysa Tira-koobka iyo Xog Ururinta

0
1341

Nairobi (Hargeisa Press): Dawladaha Somaliland iyo Kiiniya, ayaa iska kaashanaya tira-koobka  dadka iyo tababaradda kor loogu  qaadayo aqoonta bulshadda.

Kadib markii kulan arrintaasi la xidhiidha ay wada yeesheen masuuliyiin ka tirsan xafiiska safaaradda Somaliland ee dalka Kenya iyo xubno ka tirsan xafiiska tira-koobka ee Kenya.

Kulankaasi ayaana dhex maray madaxa iskaashiga horumarka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee magaaladda Nairobi  Ismaaciil Shirwac, iyo gaasimaha guud ee haayadda xogta iyo tira-koobka qaranka Kenya (Kenya National Bureau of statistics) Mr. Macdonald Obudho.

Waxaanay masuuliyiintu ka wada hadleen sidii ay labada dal ee Kenya iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada xog ururinta, tira-koobka, tababarada iyo aqoon korodhsiga.

Haayadda xogta iyo tirakoobka qaranka ee dalka Kenya, oo masuul uga ah xog-ururinta, qorshaynta xogta, tira-koobka iyo tababarada la xidhiidha dhinaca maamulka xogta ayaa muujisay sida ay u danaynayaan, isla markaana ay diyaarka ugu yihiin inay xidhiidh wada shaqayneed oo dhaw la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Agaasime Macdonald Obudho faahfaahin ka siiyay madaxa iskaashiga horumarka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee Nairobi, waaxyaha haayadda, waxqabadka iyo mashaariicda ay hadda gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale, 15-kii December ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay labada madaxweyne ee Kenya iyo Somaliland kala saxeexdeen heshiis kor u qaadaya xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka is-kaashi ee labada dal.

Waxaanay labada masuul faaqideen sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada aqoon-korodhsiga iyo tabobarada taasoo ka mid ahayd qodobada heshiiskii ay saxeexeen labada madaxweyne.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here