Kenya oo Farro-gelin Ku Haysa Garroonka Diyaaradaha Laasacaanood

0
1005

Laascaanood (Hargeisa Press)- Dowlada Kenya, ayaa la sheegay in ay farro-gelin ku hayso Garroonka Diyaaradaha magaaladda Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Kadib markii ay dowladda Kenya Jaan-goysay jadwalka ay Laascaanood ku imayaan diyaaradaha Qaadka Miirooga ka keena dalkaasi ee keena magaaladda Laascaanood.

Waxaanay arrintaasi sababtay inuu xidhmo gebi ahaanba garroonka diyaaradaha magaaladda Laascaanood, maadaama uu khilaaf ka dhex dhashay ganacsatada Qaadka keena oo isku khilaafay wadaaga ama qaybsashada maalmaha ay Qaadka keenayaan.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland Cumar Sayid, ayaa lagu eedeeyay inuu la saftay mid ka mida shirkadaha Qaadka Miirooga keena magaaladda Laascaanood.

Hase yeeshee maareeyaha hay’adda madaarrada Somaliland, ayaa ku dooday in aanu jirin masuul xukuumadeed oo ku lug leh arrinta xidhitaanka garroonka diyaaradaha Laascaanood.

Cumar Sayid, oo maanta hor tegay Guddi hoosaadka hawlaha guud, guriyaynta iyo tignoolajiyadda ee golaha Wakiilladda Somaliland, waxay wax ka waydiiyeen arrimo ay ka mid tahay garroonka diyaaradaha Laascaanood ee xidhmay.

Dhinaca kale, bishii ina dhaaftay, ayaa guddiga nabad-geliyadda gobolka Sool gaar ahaana badhasaabka gobolkaasi C/kariin Xaaji Aadan Diiriye, waxa uu sheegay in ay soo af-jareen khilaafkii u dhexeeyay ganacsatadda Qaadka keenna magaaladda Laascaanood.

DAAWO: Maareeyaha Haayadda Duulista Oo Arrimahaa Ka Hadlaya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here