Kamid ah Odoyaasha Laascaanood Oo Sheegay In Uu Ka Muquurtey Gudoomiyaha Gobolku Hawshiii Qaran ee Wasiir Koore

0
538

Laascaanood(HargeisaPress)-Caaqil Cabdi Maxamed Cawed(Cabdi-Quduf), ayaa siweyn uga Deyriyay in Maamulka Gobolka Sool ka Muquurto Guud ahaanba dhaqdhaqaaqyadii, iyo Soo dhaweyntii Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha haddana loo Magacaabay Wasaarada Warfaafinta Saleebaan Cali Koore oo hadda Ku Sugan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolk Sool.

Caaqilka oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews ugu Waramey khadka isgaadhsiinta Waxa uu si cadho leh uga hadley isagoo Xusey in Aanu ilaa iyo hada garanayn Sababta Maamulka Gobolka Sool isku ekaysiinayo in uuu Kaga Awood badan Yahey Wasiirada Gobolka Kasoo jeeda Dhinaca Xukuumada.

Isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu yidhi.

“Wasiirku Socdaalkiisii hore, uu Gobolka gaadhey oo ay Soo Dhaweeyeen odoyaashii, Madax-dhaqameedkii, Qeybihii Bulshada iyo Shacabkiiba Maamulka Gobolku Wax Saamayn ah kuma lahayn kamana dhex Muuqan, Socdaalkiisan u Dambeeyay ee uu ku Gaadhey Jiida hore ee Ciidamada Qaranka iyo Saacadan oo uu Laascaanood ku Sugan Yaheyba Wax Saameyn ah iyo Xidhiidhkii Dawladnimo midna kuma lahayn, Mar hadii aanu Maamulkii Gobolku Xukuumadii Dhexe Wax Wada shaqeyn ah la laheyn, Waxaad halkaa ka arki kartaa dhibaatooyinka dalka yaala ayey Qeyb ka tahey in aanu Dadweynihiina Xidhiidh la laheyn oo aanu Adeegyadii gaadhsiinayn, Dawladnimadiina Waxba ka garaneyn” Ayuu yidhi Caaqil Cabdi-Quduf.

Mar Laweydiiyay Caaqilka in uu jiro Khilaaf u Dhexeeya Wasiirka Warfaafinta Saleebaan Cali Koore iyo Maamulka Gobolku Sidaa Daraadeedna ay Wada shaqeyntii iyo Xidhiidhkii uu Gudoomiyaha Gobolku uga Gaabsadey?.

Isagoo Su,aashaa Ka jawaabaya Waxa uu yidhi.

“Annigu ma ogi Laakiin Waxaan kuu Sheegayaa Shaqsinimadu Waa halkeeda, Maamulka Gobolku Shakhsi ma aha Wasiirkuna Shakhsi ma aha Waa in hawlaha Qaranka lawada Qabto, Ninku hadii uu Hawlaha Qaranka ka Shaqeyn Waayo, oo Wasiirada Xukumada la Shaqeyn,Waayo Macnaheedu Waxa Weeyi Masuuliyad ma Qaadi Karro”Ayuu yidhi.

Mar Laweydiiyay Su,aal ku Sahabsan in Caqabadi ku iman karto Mashaariicdii Dhinaca Biyaha ee Wasiirku Geedi Socodkooda gacanta ku hayey Sida (Mashruuca Biyo Galinta Magaalada Laascaanood) oo Khilaaf ka taagnaa Wasiirkana ay Gudi Ganacsato ka Koobani marar badan Madaxweynaha uga Dacwad tageen?

Isagoo Su,aashaa ka Jawaabaya Waxa uu yidhi.

“Markii horena Qaranka ayuu u Shaqeynayey Imikana, Qaranka Ayuu u Shaqeynayaa Waanu Gudanayaa Xilkaa Biyaha iyo Mashaariicdii Wasaaradii iyo Hawlwadeenadii kale Wey joogaan Wasiirka Cusub Maxamed Muuse Diiriyena Wuu la Socdaa, Dabcan Caqabadi Wey ka jirtaa Wasiirkana (Mashruuca Biyo Galinta Laascaanood) oo Koox Ganacsato ah ayaa in badan iyagu Carqaladeeyay Laakiin aakhirkii Sidii Loo dhigay, ee ugu haboonayd Waxaana mudo dheer ka hawlgaley Sanduuqa Deeqaha ee SDF halkii la dhigay ayay marayaan”Ayuu yidhi.

Mar La Weydiiyay in Xilka Wasaaradda Biyaha ee Laga Badelay Wasiir Saleebaan in ay La Xidhiidho Ganacsatadaa Ilaa Madaxtooyadda u Dacwad Tagey? .
Isagoo ka Jawaabaya, Su,aashaasi Waxa uu yidhi.

“Dacwadu Wey jirtey, Laakiin Ma Filayo in Wasaarada Looga Badelay Arintaasi Waxaan qabaa in Madaxweynuhu u gartey Wasaaraddaasi oo ah Wdaarad Qaranka Muhiim u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here