Jamhuuriyada Somaliland: Qaran Dhismay oo Jirrido Adag ku Taagan

0
896

Xisbiyada Mucaaridku way Farxeen, Xukuumaduna way Faraxday, Shacbiga Reer Somalilandnna Way Farxeen!

Marka kasta oo Muran ama Khilaaf Siyaasadeed uu soo kala dhex galo Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka ah, mar kasta oo siigo ay kor u duusho oo Shacbigayagu ay ku murmaan arrimo Siyaasadeed, mar Kasta oo Cadawga Somaliland ay Gaws danbeedka ka Qoslaan iyaga oo u Rabbi tuugaya in Muranka iyo Khilaafka Siyaasiyiintayada dhex maraa uu sii Xoogaysto, ayaa sida Caadada u ah Qarankayaga iyo Shacbigayaga Xariirta ah ee ilbaxa ah waxaa arrin Lagu soo gebogabeeyaa u hogaansanaanta Sharciga iyo wixii Dalkayaga Dan u ah oo cid kastaaba ay raacdo oo ay ku qanacdo, Wixii tabasho ah ee jirana ay Danaha Dalkayaga Qaaliga ah ay darteed u aqbasho.

Mar kasta oo uu Khilaaf siyaasi ahi yimaado Caado nooma aha inta badan in Maxkamad la isla galo oo Gar Cadaawe iyo Sharci lagu Kala baxo, Waxa ay Ummadayada reer Somaliland ee Geesiyaasha ahi ay Dhaqan iyo Caado u leeyihiin inay arrimahooda ku dhamaystaan Wadahadal, is Qancin iyo isu Tanaasul ay ku dheehan tahay Tudhaale iyo Walaalnimo.

Murankii Siyaasadeed ee u dhexeeyay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumada Somaliland ayay Maxkamada Sare ee Dastuuriga ah ee Jamhuuriyda Somaliland ay Ugu gar qaaday Labada dhinac si ay ka muuqatay Maduuliyad, Wadaniyad iyo Dal Jacayl oo ku qotonta Dastuurka Iyo Sharciyada u degsan Qaranka Somaliland.

Waxaanay Maxkamadu ay soo saartay go’aan ay si Wanaagsan u wada Aqbaleen Mucaarid iyo Muxaafidba, Xisbiyo iyo Xukuumadba iyada oo cid kastaa ay ku qanacday go,aankaas una hogaansameen Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumaduba.

Tani Waxay Daliil Cad u Tahay in Qaranka Somaliland uu yahay Qaran Dhisan oo Jirrido adag ku Taagan oo leh Qawaaniin iyo Sharciyo Dhisan oo lagu dhaqmo cid kastaana ay u hogaansan tahay. Waxa Maanta ay reer Somaliland Dunida tuseen Inay yihiin Ummad Ilbax ah oo Xadaarad qoto dheer leh oo uu Sharcigu hago.

Waxaan Hambalyo Kal iyo Laab ah u Dirayaa Maxkamada Sare ee Somaliland, waxa kale oo aan Hamblayo u dirayaa Xukuumada Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee ku qancay go’aanka Maxkamada, waxa kale oo aan Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Shacbiga Geesiyaasha ah ee Reer Somaliland.

 

 

Somaliland ha Guulaysato.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here