Jamaal Cali Xuseen Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal Kasoo Yeedhay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Sheegayna Inay Maxkamad Isla Tiigsan Doonan

0
982

HARGEISA , (HargeisaPress) —Mushararaxa jagada madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyaha Jamaal Cali Xuseen ayaa ka jawaabay hadal manta kazoo yeedhay gudomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ku salaysanaa inaanu Jamaal Cali ahayn musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID.

 

Waxaana uu Jamaal Cali Xuseen uu sheegay inay maxkamad isla tiigsan doonaan si losoo kala saaro, sidoo kalena waxa uu carabka ku dhuftay in musharaxnimadiisa gole dhexe lagu doortay waxaana uu yidhi

 

“Aniga musharaxnimadayda gole dhexe ayaa laygu doortay faysal-na aniga waxba afkiisa igaga qaadi maayo isagaan gacanta ii taagay markii lay dooranayay cadaymana waa u haynaa, waligayna noocan oo kale maan arkin mana aha in hadii qofku qof masuula yahay inuu wax dafiro maaha, faysalow hadaad ku fakarayso inay waxaasi kuu hirgalaana habeena maad jirin”Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

 

Dhanka kalena Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ku eedeeyey inuu yahay shakhsiga loosoo adeegsanayo burburka xisbiga UCID isla markaan aay dabada ka riixayaan gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo ganacsade Maxamed Aw-Siciid waxana uu yidhi

 

“Faysal waa shakhsiga loosoo adeegsanayo burburka xisbiga Muuse Bixii iyo Ina Aw-Siciid-na wuu u shaqaynayaa, in badan ayaa ka xishoonayay oo afka ka dhawraynay laakiin inaan runta sheegno manta wayn nagu kaliftay, gudoomiye Faysal-na isagaa xaal isa siiyay, aniga iyo Faysal Cali Waraabana maxkamad Ayaan isla tagaynaa si naloosoo kala saaro, hogaanka xisbiga iyo musharixiintuna way kala madax banana yihiin, Faysal-na sharcigii ayuu jabiyay’Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Si kasteba ha ahaatee hadalkan jawaabta ah ee  kazoo yeedhay aqoonyaha Jamaal Cali Xusen ayaa ka danbaysay kadib markii manta gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka dhawaajiyay inaanu musharax xisbiga ka ahayn Jamaal Cali Xuseen isla markaan qof kale soo dooran doonaan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here