Jaamac Shabeel Oo Ku Gacan Saydhay Xilka Qaadista Lagu Sameeyay

0
1215
jaamac shabeel

Hargeysa,(HargeisaPress) –Jaamac Ismaaciil Cige “Jaamac Shabeel” ayaa waxa uu ku gacan saydhay xilka qaadistii lagu sameeyay isagoo sheegay in xilka qaadistiisu aanay sharci ahayn iyo in jagada guddoomiye ku xigeenka labaaad ee xisbiga Kulmiye ay bannaan tahay oo aan wali la dooran xisbiguna aanu ansixinba Axmed Cabdi Dheere, sidaas darteedna aanu sharci u lahayn in uu isugu yeedho xubnaha gudiga fulinta oo isla mar ahaantaasna ay go’aanno qaataan.

Jaamac Shabeel oo BBC-da u waramay ayaa wuxuu kaloo intaas kudaray in golaha dhexe uu yahay hay’dda ugu sarraysa ee xisbiga oo uu ka sarreeyo guddiga fulinta isla mar ahaantaas ay isaga soo doorteen golohaasi, sidaas darteedna xilka qaadistiisu aanay ahayn mid sharciga waafaqsan uuna dib ka sheegi doono faahfaahinta arrintan la xidhiidha.

HargeisaPress News Desk  , Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here