Itoobiya oo Dhimaysa Isticmaalka Dekedda Jabuuti

0
1208

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay adeegsaneyso dekeddaha waddamada deriska la ah si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta dekeddaha Jabuuti oo keli ah.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin in ka badan 100 malyan oo dhul weyna ku fadhida ayaan lahayn deked ay iyadu leedahay oo ay wax kala soo degto ama ay kadhoofiso.

Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya Daagmaawiit Moges oo u warrantay warbaahinta dowladda ee FBC, waxay sheegtay dalka Itoobiya alaabaha uu dhoofiyo ama uu soodajiyo 99% inuu ku tiirsanaa dekedaha Jabuuti oo keli ah balse hadda la doonayo seddex dakadood oo kale oo ku yaalla waddamada deriska in uu dalka Itoobiya isticmaalo.

“Dakadaha aan isticmaalkooda bilaabeyno qaarkoodna aan hore billownay waxay kala yihiin Dekadda Berbera, Dekadda Lamu iyo Dakadda Port Sudan, isticmaalka dekadahaasina waxay keeneysaa ku tiirsanaantii dakadaha Jabuuti ee ahayd 99%, inay noqoneyso 89% meelahaa iyada oo dekedaha cusub ee aan isticmaaleyno 8.8% ay kaalintooda noqonayso” ayay tidhi.

Itoobiya waxay dhawaan meel marisay siyaasaddeeda ku aaddan Logistika (Logistic Policy), waxaana lagu qeexay inay lagama maarmaan tahay Itoobiya inay deked hesho inta ay deked ka heleysana ay sii isticmaasho dekedaha waddamada Deriska la ah ee u dhow.

Itoobiya, ayaa waxay hore heshiis seddex geesood ah la gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo maalgashi ku sameynaya dekedda Berbera.

“Dekadda Berbera si aan u isticmaalno gudaha Itoobiya waxaa laga wadaa mashaariic isugu jira waddooyin isku xidha Itoobiya iyo Berbera iyo tasjiilaadkii kale oo gacan ka geysanaya inaan dekedda Berbera si buuxda u isticmaalno. Shirkadda DP World waxaan la galnay heshiis ay ku kaceyso 1 balyan oo doolar, Adeegsiga Dekedda Laamuu dowladda Kenya heshiis ayaan kala galnay iyada oo dhawaan xadhigga laga jaray waddooyinkii Itoobiya iyo dekedda isku xidhi lahaa” ayay tidhi.

Tallaabbooyinkaasi haddii ay dowladda Itoobiya qaaddo waxay fursad u siineysaa inay muddo kooban ay ku tallaabsato horumar dhaqaale oo dalka waxbadan ku soo kordhiya maadaamaa ay dekeduhu halbowlo u yihiin kobac dhaqaale ee dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here