Sacuudiga oo Biyo Xidheen Weyn Ka Hirgelinaya Somaliland

0
1656

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madax ka socda hay’adda King Salmaan Humenterian Aid & Relief Center oo laga leeyahay dalka Sacuudiga.

Kulanka uu wasiirku la yeeshay masuuliyiinta ka socda hay’adda Boqor Salmaan, waxaa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaarada Biyaha Maxamed Xasan Dirir.

Ha’yadda King Salmaan Humenterian Aid & Relief Center, ayaa Somaliland ka maalgelin doonta mashaariic horumarineed oo dhinaca Biyaha ah, sida Ceelsha dhaadheer, Baliyadda iyo Biyo Xidheeno dalka oo dhan laga hir gelin doono, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaraada Biyaha Maxamed Xasan Dirir.

“Kulankaasi waxaa lagaga wadahadlay mashaariic dhinaca horumarinta Biyaha ah oo dalka ay ka fulin doonto Ha”yadda King Salmaan Humenterian Aid & Relief Center, kuwaasoo ka kooban ceelal dhaadheer iyo dhaamam biyaha lagu kaydin doono.” Ayuu yidhi Agaasimaha Dirir.

Waxaanu agaasimaha guud intaasi ku daray in hay’adda boqor Salmaan ay Sucuudiga u qaabil santahay mashaariicda horumarinta biyaha Somaliland-na ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here