Israsaasayn Mar Kale Ka Qarxay Degmada Ceel-afwayn+Cidda Ay Dhex Marayso Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
1260
News

Burco,(HargeisaPress) —Warar naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in degmada Ceel-afwayn ay mar kale diriri ku dhex martey Caawa Fiidkii labadii beelood ee dhawaan Dirirtu ku dhex martey Deegaano hoos yimaada degmada Ceel-afwayn kuwaasi oo ilaa hadda lagu gudo jirey xalinta shaqaaqadii hore u dhex martey labadan beelood ee walaalaha ah taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Israsaasaynta la sheegaayo in ay caawa fiidkii mar kale dhex martey Beelaha ayaa ilaa iyo haatan inta la ogyahay waxa ku dhaawacmey laba Qof iyada oo sidoo kale warar ilaa iyo haatan aan wali la xaqiijin ay sheegayaan in uu halkaasi ku dhntey hal qof.

Wararka nasoo gaadhaya aya waxay tibaaxayaan in is-rasaasayntani ay ka dhalatay kadib markii dabley hubaysani ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen dad halkaasina ay ku dhaawaceen laba qof.

Ciidamada Qaranka Somaliland oo halkaasi hore loo keenay ayaa la sheegayaa in ay ku hawlan yihiin sidii ay u kala dhex gali lahaayeen Beelaha Walaalaha ah ee mar kale dirirtoodii dib u soo cusboonaatey.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here