Isbedel Ku Yimid Dekeda Berbera iyo Tirada Maraakiibta Ku Soo Xidhata oo Korodhay

0
1443

Berbera (Hargeisa Press) – Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabbdillaahi, ayaa sheegay inay sare u kacday Tirada Maraakiibta ku soo xidhanaysa dekeda magalada Berbera intii ka danbaysay furitaanka dekeda cusub.

Maareeye Siciid Xasan Cabbdillaahi, ayaa sidoo kale xusay inay markii ugu horreysay dekeda Berbera ku soo xidheen maraakiibta waa weyn ee xambaara Koonteenarada.

Waxaa uu sheegay maareeyuhu in tanareelka cusub ee dhowaan la sameeyay uu qaadayo sanadkii 450  kun ilaa 500 oo kun, islamarkaana ay aad u soo kordheen koonteenaradii imanayay dekeda.

Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabbdillaahi, ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan marka uu furmo Itoobiya Corridor ay dekedu qaadi karto boqolkiiba afartan kaargooga Itoobiya u socda, marka lixda boqol ee kale lagu daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here