Mareykanka iyo Midowga Afrika oo Culays Lagu Saarayo Inay Aqoonsadaan Somaliland

0
2651

Washington (Hargeisa Press) – Diblomaasiyiinta Mareykanka ee la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii kala dambeeyay ee dalkaasi, ayaa Dowladda Madaxweyne Joe Biden iyo Ururka Midowga Afrika culays xoogan ku saaraya inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland.

Rebort O’brein oo mar ahaa La Taliyihii Amniga Qaranka Mareykanka ee Dowladdii Doland Trump, ayaa soo jeediyay in Mareykanku uu aqoonsado Somaliland.

Rebort O’brein, ayaa sheegay in aqoonsi uu Mareykanku siiyo Somaliland ay tahay sida keliya looga hor-tagi karo isballaadhinta Shiinaha ee Afrika.

Soo jeedinta Rebort O’brein ee ku aaddan Somaliland, waxa soo dhaweeyay Tibor nagy oo mar ahaa ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykanka, sidoo kalena noqday Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Dalalka Itoobiya iyo Guinea.

Tibor nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Rebort O’brein ee ah in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid ahmiyaddeeda leh, maaddaama oo la dhaafay xillgii Munaafaqadda Caalamiga ah.

Tibor nagy ayaa qoraalka uu ku baahiyey Twitter-ka wuxuu ku yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa O’brein oo bixiyey Faallooyin wanaagsan oo ku saabsan Somaliland, waxaan jeclaan lahaa in Midowga Afrika ay samayso wax sax ah oo ay aqoonsato in Qarankan Somaliland oo ka waxqabadka iyo maamul wanaagsan, ka xasilloon, kana dimoqraadiyad badan Dalalka xubnaha ka ah (Midowga Afrika)..”

Tibor nagy waxa kale oo uu sheegay “Waa wakhtigii la soo afjari lahaa munaafaqnimada Caalamiga ah ee ku waajahan Somaliland..” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here