Isbadalku Maaha Kud Ka Guur Oo Qanjo U Guur. By. Mohamed Gacayte

0
912

“Barmal meel ku noqo baa ka roon, Sharaf malaha bayna baynahuye”. Abw. Cashuur

Guurguurka siyaasiyiintu ma keento isbadalka ay bulshadu u haraadan tahay. Inta badan marka Somaliland laga hadlayo Siyaasigu waa danayste ka horeysiiya danta qaranka tiisa gaarka a. Hadaba si ay u xadaan quluubta shacabka ayay maalinba shaadh cusub soo xidhaan. Waxa dhacda in masuul xil umada loogu dhiibay mudo yar ku taajiro, hanti ka horaysay uu lahaana aanay jirin, cid ka xisaabinaysaana aanu jirin. Waa shaqo tag loo keenay inuu dantiisa gaarka ah ku fushado, isagoon u meel dayayn hantida umadu wada leedahay siiba cashuurta masaakiinta laga ururiyo, Kaas ayaa noqda Siyaasiga Barri oo intuu shaadh cusub usoo xidho mar kale bulshada horteeda ka sheegta isbadal doon inuu yahay dhaliilana xukuumadii uu ka tirsanaan jiray. Ilayn dadkeenu waxba dib uma eegaane sacabkaynu u tunaa waliba.

 

Inta badan qofka waxa lagu qiimeeyaa farqiga u dhexeeya maalinta xilka loo dhiibay iyo maalinta uu ka tagay. Waxa nasiib daro ah marka ragii xoolahii umada qaatay mudo yarna ku taajiray Gawaadhi iyo Guryo fooqaq ahna bineeyay, xaguu xoolaha ka keenay? Maalinta uu xilkii ka tago qof cusub miyuu noqonayaa? May, balse waa indho sarcaad shacabka loo dhigayo in kii xoolaha umada haakah ka yidhi uu mar labaad shaadh cusub oo isbadal doon ah inoosoo xidho inagoo og sida uu wax yidhi. Anigu uma arko isbadal waayo qofkani waa kii shalay uun. Soomàaliduna waxay tidhaa “Libaax nin ganay iyo nin galaday wuu kala ogyahay”. Shacabka Somaliland way kala ogyahiin ninka isbadalka wada iyo kan doonaya indho sarcaad iyo been inuu umada ku siro.

 

Waxaan leeyahay isbadalku maaha koox siyaasiyiin ah oo intay is urur sadaab yidhaa sidaynu mar labaad umada u dhacnaa. Iyagoo doonaya in xoolahii ay umada ka dhaceen mar labaad lagu doorto. Xaasha baabacadaa timo may kasoo bix, bulshada iyo dhalinyarta codkooda way u meel dayi, noqona maayo mar kale hilibkiina aan cuno. Maan sheegin inta qabiil ku codaynaysa ee aan wali xoroobin.

 

Allaa Mahad Leh.

By. Mohamed Gacayte

Hargeisa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here