IMF oo Itoobiya Siinaysa Lacag Dhan $411 Milyan

0
1489

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ansixisay gaargaar degdeg ah oo dhan $411 milyan oo la gaadhsiyo Ethiopia si wax loogaga qabto xakamaynta cudurka COVID-19.

Waxaa kale oo dib loo dhigay lacag deyn ah oo Ethiopia bixin lahayd sanadkan oo dhan $12 milyan.

Dhanka kale, wasaarada caafimaadka ee Ethiopia ayaa maanta tibaaxday in 2 qof laga helay xanuunka COVID-19 kadib markii la baadhay 912 qof 24kii saac ee lasoo dhaafay. Labada qof ayaa ah muwadanin reer Ethiopia ah oo midkood ka yimid Puntland, Somalia; halka qofka kale ka yimid Mooyaale, Kenya.

Muwadinka ka yimid Puntland ayaa lagu haya xaruunta karantiinka ee Jaamacada Jigjiga.
Tirada guud ee Ethiopia xanuunka ka asiibay ayaa dhan 133 qof, halka ilaa hadda uu xanuunku dilay 3 qof. Warbixinta ayaa lagu xusay in 66 qof bogsadeen.


COVID-19 ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan wadamada soo koraya. Deeqda lacageed ee IMF iyo gaargaar kale oo laga helay wadamada hodanka ah ayaa loogu talagalay in lagu dheelitiro dhaqaalaha Ethiopia oo hoos ugu dhacay cudurka dartiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here