Hoggaamiye Iimaan qaba !

0
1086

“Waxaan Dunidan Imid anigoon waxba haysan, waxaanan ka te\gayaa anigoon waxba hayn Marka Maxaa Igu Kallifaya inaan tuug wax xada noqdo” Halku dhigan waxa laga qoray hoggaamiyaha dalka Nigeria Muxamedu Buhari. Tiraabtani waxay tusaale tolmoon u tahay Beri ka ahaanshaha boobka iyo xatooyada xoolaha ummadda ee masuuliyadiisa lagu aaminay. Marka la barbar dhigo waaqica nololeed ee ka jira Jamhuuriyadeenna Somaliland waa kaaf iyo kala dheeri, hab fikirka liita ee ay innagu hagaan hoggaankeena ka aradan ilaalinta xoolaha ummadda ay masuulka ka yihiin. Dhaqaalaha ummadda ka dhexeeya leexsigiisu madaxdeena wuxu la yahay wax iska caadiya, kumana baraarugsana dhiila hilashada iyo dhitaysiga cashuurtu inay tahay dhunkaal weydiinteedu hortaal if iyo aakhiro.

 

Masuul aradan oo aan duunyo iyo xoolo lagu xantaa jirin isaga iyo qoyskiisa ayaa ku taajira bilo gudahooda dalkeena. Haddi xisaabtan jiri lahaa oo ummaddu weydiin lahayd madaxda xoolahooda gaarka loo isticmaalayo sidaa looma mameen. Mushaharka madaxdeenna waynu naqaan hantida ay gaarka u leeyihiinna markay xilka ka dagaan waynu aragnay. Wasiir mushaharkuu innoogu shaqeeya ku sar go’an yahay nolol maalmeedka naftiisa iyo qoyskiisa ayaa binaysanaya fiillooyin ku kala yaal dalka iyo dibada, miyaanu ahayn tuug inna boobay oo xil ka taajira !

 

Xoolaha ummadda iyo danta guud boobku waa xeelad iyo xariifnimo rag is dheeryahay, fariidkuna waaka guryo badan, gawaadhi cadcad iyo duunyo ka dhaqda hoggaaminta lagu aaminay. fariintan manfaceedu waa hoggaamiye toosan oo aan tolan kiish xoolaha ummadda laga buuxsho. Reerku metelo nacas iyo naanab aan qayrkii wax la qaybsanbuu ka qoranyahay qofka is dhawra ee aakhiro iyo adduunka xoolaha ummada naftiisa ka badbaadsha.

 

Somaliland baahi waxay u qabtaa hoggaamiye iiman qaba oo aan adduun doon ahayn ee taariikh doona. Golayaasha umadda looga taliyo dadka u haliilaya hammuum iyo haraad xoolo doonbaa ka muuqda. Nasiib darro intaan kursiga ummadda looga taliyo la gaadhin tartamayaasheenna badhkood hadday danguud iyo cashuur danyar laga ururshay ka hirqadeen, ninka maanta degen guri danguuda ee qaybtiisa qaata hantida la xaraashayo ee haddan u ham iyo degle talada qaranka hadhaw muxuu fali doonaa! Nin soo shaqo tegay oo masruufka reerkiisa ka doonaaya taladeena uma baahnin, waxaynu u baahannahay shaqaale shacab hoggaanshe ay ka go’antahay horumar iyo himilo mustaqbal.

 

Raacdada aynu ku baadigoobayno sareedada iyo barwaaqada Somaliland ka sawir duwan ta maanta. Himillada nus-qarniga la daba joogay hirgalkeeda waxa hannan kara hoggaamiye daacada oo doonistiisu tahay dal-midayn iyo dad-midayn. Intay baahan yihiin madaxdu ee ay maal-doon yihiin maatida in mustaqbalkooda iyo qorshaynta noloshooda laga fekeraa innaga fog.

 

Tuugenna xoolaha ummadda xadaa wuxuu dabada geliyaa reerkooda, waxa suuragala kuwa u hiilinaya ee xabbada sharciga isu dhigaaya maalinta tooshka caddaaladu qabto inaanu markuu talada hayay aqoon aqalkiisana aanay soo ag marijirin haraad uu ka tiraa ha joogee. xaaran boobku intuu haysto gaashanka reerkiisa ha filin ficil ha joogee in la faaleeyo xatooyadiisa. Guryihii ummadda ka dhexeeyay xaqdarro ragbaa ku laydhsanaaya oo ka dhigtay hoy ay xoogooda ku binaysteen, baloodhadii bannaana badhbaa lagu naasnuujay oo seesas ku joojay, waxa suuragala in la waayo maalin dhaw wax inna mideeya oo innaga dhexeeya marka la qaybsado danteena guud eek a dhaxaysa ummadda Somaliland.

 

Ummaaddu inay ka midaysnaata mudan ilaalinta danteeda guud, doorashada cidda danta u ah ee aan kala soorayn una kala  sadburinayn. Isbedelka Somaliland ku dhalan maayo sida eegga arrin yahay. Xaqiiqda inna hortaal ee u baahan in laga gudbaa waa nin jeclaysiga. Adeerka haddi aanu anficin Somaliland cidda kale ee kaga habboon hoggaanka ummadda u hibee cugashadaada. Dux iyo dufan gaar kuusoo gaadha waxa ka mudan caddaalad iyo xaqsoor ummadda wada gaadha.

 

Maxamed Siddiiq Dhamme

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here