Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Markii Hay’addaasi La Aasaasay 23 Ka Dib, Ay Maanta U Suurto Gashay Inay Keenaan Qalab Casri Oo Lagu Sugaayo Shaqaalaha Dawladda + SAWIRRO

0
1279

Hargeysa, (HargeisaPress) —Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Guddida Xafiiska shaqaalaha dawladda oo dhawaan dalka ka bilaabaya Mashruuca  Tirinta, Tayeynta iyo Diwaangelinta dib u habaynta  iyo madax taabashadda ee shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa maanta Xafiiskooda ku soo bandhigay Qalabka Casriga ee lagu sugi doono shaqaalaha Rasmiga ee Dawladda Somaliland si looga saaro meesha shaqaalaha loo yaqaan Caaglaysiga iyo shaqaalaha  dhawrka mushahaar dawladda ka qaata

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo faahfaahin ka bixinaaya qalabkan casriga ee Hay’adda Shaqaalaha u suurto galay inay dalka keenaan markii u horaysay si loo loo sugo tiradda, tayadda iyo diwaanka shaqaalaha Dawladda ee Somaliland waxa qoraal uu ka soo saaray qalabkan ay keenaan uu ku u dhignaa sidan.

-Waxaanu maanta tijaabadii u dambaysay ka qaadnay qalabka casriga ah ee caaglaha “Ghost Workers” shaqaalaha lagaga qaban doono, arintan ayaana meesha ka saari doonta cid walba oo laba meelood isku dayi jirtay in ay ka mushahaar qaadato “Double payroll” sidoo kalena si cilmiyaysan u soo ogaan doonta tirada rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda.

– Tirintan ayaa sahli doonta in shaqaalaha la tayyeeyo sidoo kalena waxaa si dhab ah u soo bixi doonna baahida jirta ee shaqo , iyadoona albaabka u furi doonta in shaqaale tiro badan la qaato kuwaas oo ku salaysan baahi qoran oo waajibaadkeedii wadata “TOR”

– Qalabka bu’da isha lagu sawirayo “Iiris Recognition Technnology” iyo midka summada farta dheegaya “Finger Prints” ayaa dhammaad u noqon doona madax-tiris dambe iyadoona meesha ka saari doonta shaqaalaha aan aan jirin ee dhoofay ama dhintay lakiin wali miisaaniyada ku jira

– Waxaa sidoo kale shaqaalaha dawladda loo samayn doonna aqoonsi “ID card” kaasi oo wax badan ka anfici doonna isagoona noqon doona ugu dambaynta midka ay mushaharkooda baanka kaga qaadan doonnaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here