Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Mar Kale 400 Macalin Shaqaale Dawladdeeda u qaadatay

0
1111

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland iyo wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa si wada jira u soo bandhigay 400 oo Macalimiin ay dawladdu shaqaalaysiisay laguna daray Diwaanka mushahaar qaadashada iyo shaqaalaha rasmiga ee ku jira Bayroolka Miisaaniyadda dalka, kuwaasi oo ahaan macalimiin aan hore shaqaale dawladdeed u ahayn balse hada dawladu qaadatay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir iyo saraakiil kale oo wasaaradda waxbarashada ka tirsani ay weheliyaan, ayaa maanta soo bandhigay inay dawladdu diwaanka shaqaalaha rasmiga ah ku dartay 400 Macalimiin aan hore wax mushahaar ah dawladda uga qaadan jirin balse hada la shaqaalaysiiyey kuna biireen macalimiintani diwaanka rasmiga ee mushahaar qaadashada dawlada.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here