Hay’adaha oo Loogu Baaqay inay Caawiyaan Qoysaskii Laga Rararay Jidka 150-ka Ee Magaalada Hargeysa

0
643

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xukuummada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hay’adaha dalka ka hawlgala ugu baaqaday inay caawimaad u fidiyaan dadkii laga raray waddada boqol iyo kontonka oo ay dhawaan rartay dawladda hoose ee magaalada Hargeysa.

Kulankan lagaga hadlay si dadka laga raray waddada boqol iyo kontonka oo loo raray dhul ay u qorshaysay dawladda hoose ee Hargeysa, kaas oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka, waxa ka qayb galay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, maayarka caasimada, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodi-jeex iyo shan iyo toban haayadood oo ah kuwa ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuummadu go’aansatay in waddadaas la baneeyo oo laga raro dadka degan, wuxuuna intaas ku daray in dawladda hoose ee Hargeysa ay gacan ka gaysatay raritaanka dadkaas, iyadoo bixisay dhulka dadkaas loo raray isla markaasna ka saaciday gaadiidkii raray iyo waliba dadkii watay waxay dhistaan oo ay kharashkii gacanta ka bixisay ilaa hadana ay gacanta ku hayso gaadhsiinta biyaha ay dadkaasi u baahan yahiin.

Wuxuuna guddoomiyuhu sheegay inay dadkaasi u baahan yihiin baahiyihii Aasaasiga ahaa sida: xaruntii caafimaadka, saldhigii Booliska, goobihii waxbarashada, Laydhkii, garoomadii ciyaaraha, Taangiyadii biyaha loogu shubayey, musqulihii ay dadku isticmaali lahaayeen iyo in dadkaas guryo looga dhiso halkaas, wuxuuna guddoomiyuhu cadeeyey in dhamaan goobahaas dhulkii laga hirgalin lahaa ay diyaar yihiin.

Dhankoodana waxa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Naasir Caydiid iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baaruud oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inay hay’aduhu ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka laga raray waddada boqol iyo kontonka oo dhan lix boqol oo qoys, waxayna intaas ku dareen inay dadkani yihiin dadkii ay abaaruhu xoolahoodii dhaafiyeen isla markaana ay dawladda hoose iyo ta dhexeba ay doorkoodii qaateen, balse kaalinta banaani ay tahay tii hay’adaha oo loo baahan yahay inay gacan weyn ka gaystaan si dadkaasi ay u helilahaayeen baahiyaha Aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Gabagabadiina maayarka caasimada Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay dawladda hoose ee Hargeysa ay dhamaystirtay dhamaan dhulkii looga baahnaa inay dejiso dadka barakacayaasha ah ee magaalada degan masuuliyadaasna ay qaadeen iyaga iyo xukuumadda dhexeba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here