Hargeysa: Nin Gubey Saddex Caruur ah oo uu dhaley iyo Ciidanka Dam-damiska Somaliland oo Faahfaahin ka bixiyay

0
832
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —saddex caruur ah ayaa ku geeriyooday Magaalada Hargeysa kadib markii Aabahood u dab qabadsiiyay Guriga ay ku jireen caruurtaasi.

 

Saddex caruur ah ayaa guriga ku dhex gubtay markii uu Aabahood isku dhex gubay Guriga, ninka  dhalay saddex caruurta ah ee geeriyooday ayaa dhaawaca Culusi kasoo gaadhey dabkaasi waxaana imika lagu daweynayaa cisbitaalka wayn ee magaalada Hargeysa.

 

Goob joogayaal ayaa Shabkadda HargeisaPress u xaqiijiyay in ninka caruurta Gubey oo kasoo baxay guriga oo Gubanaya kadib markii uu u adkaysan waayay Dabka, goobjoogayaashu waxaa kale oo ay sheegayaa n in dadkii guriga bakhtiinayay aanay ogeyn in caruurtu ku dhex jirto guriga oo ay taasi sababtay dhimashada saddex caruurta ah oo kala ah Wiil iyo laba hablood.

 

Hooyada dhashey saddexda caruur ah ayaa wakhtigii ubadkeedu gubayeen ku maqnayd Suuqa.Lama garanayo ilaa imika sababta uu ninkani u haligay Caruurtiisa iyo naftiisa.

 

Geesta kale Talliyaha Ciidanka Dam-damiska Somaliland oo Faahfaahin ka bixiyay Aabe Dab Qabad Siiyay Saddex Caruur ah oo Dhaley.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here