Hargaysa: Xukuumada Siilaanyo Oo Faasaxday Dugsigii Sh. Bashiir Hargaysa iyo Eheladii Sh bashiir Oo Ka Hadlay.

0
780

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumada Somaliland waxay Mudooyinkii u danbeeyey dedaalo ugu jirtay sidii ay u xaraashi lahayd dhulka danta guud waxaana hada lasoo gaadhay xiligii la iibin lahaa dugsigii Hoose dhexe ee Sh Bashiir kaasi oo ku yaalay badhtamaha Magaalada Hargaysa

20160204_180121

Iyadoo xukuumada Somaliland ay hore u xaraashtay dhul ay bulshada Somaliland wada leedahay ayaa waxaa Xaruntii uu ku yaalay dugsigii Sh Bashiir ee Hargaysa ay Xukuumada Somaliland  ka Faasaxday Qayb ka Mid Ah   Nin Ganacsade Ah.

 

Hadaba waxaa Arintani Si Toos Ah uga hadlay  Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sh Bashiir oo ku tilmaamay cawaaqib xumo xukuumadu ku kacday maadaama ay dugsiga sh Bashiir Arday Yaryar wax ku dhigtaan isagoo shacabka Somaliland ugu baaqay in si degdeg ah ay arintani uga hadlaan.

20160204_180321 (1)

Cabdisalaan Nuur Ibraahin Sh Bashiir oo arintaasi ka hadlayaana waxaa uu yidhi “Arintani waxaanu wax ka waydiinay wasiiru Dawlaha waxbarashada Axmed Nuur faahiye,Balse wuxuu noo sheegay inaanay run ahayn laakiin waxaa noo yimi xubno wasiiro kuwaasi oo meesha eegayayaniga oo ka mid ah duriyadii Sh Bashiir Waxaan ugu Baaqayaa Shacabka Somaliland Inay xaaraan Tahay in la iibsado dhulka uu ku yaalo dugsiga sh Bashiir oo ay dawladii Riyaale ka xishootay waxaana ay xukuumadani bilowday inay manta iibiso dugsigii sh Bashiir ee ay ardaydu wax ku baranayeenxagee caruurtu wax ku baran hadii dugsigaba la iibiyo hada waxay leeyihiin iskuulkoo dhan maahee waa qayb ka mid ah lkn isaga oo dhamina wuu ku xigaa in la iibiyo”

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here