Agaasimaha guud ee shirkadda Daallo Airline oo Maanta ka hadlay shilkii qabsaday diyaaradooda

0
1184

Hargeysa, (HargeisaPress) —Agaasimaha Guud ee Shirkadda Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin [Colaad] oo ku sugan Magaalada Dubai ee Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta ka warbixiyay Qaraxii Talaadadii ka dhacay mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkaddooda oo nooceedu ahaa A321, taasoo shilka kaddib si deg-deg ah ugu soo laabatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Colaad oo u Waramayay BBC-da ayaa sheegay in baaritaanku uu weli socdo isla markaana ay ka War-sugayaan warbixinta ay Hay’adda Duulista Hawada Somalia, wuxuuna xusay in warbixinta ay kusoo bixi doonto muddo laba maalmood gudahood ah, baadhista socotana ay caddeyn doonto shilkii dhacay wuxuu ahaa.

Diyaarad_Qarax_Muqdisho_2

“Baaritaanka Qaraxii Diyaaraddeenna ka dhacay weli wuu socdaa, meel wanaagsan ayuuna marayaa, welina go’aan kama dambeys ah lagama gaarin, balse ka war-sugaynaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo Warbixinnada oo dhan ay isugu soo ururi doonaan,” ayuu yidhi Colaado.

 

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in baaritaanka socda ay shirkad ahaan ay qayb ku leeyihiin, ayuu ku jawaabay. “Haa… Qayb ayaan ka nahay baadhitaanka socda, Waxaa kaloo qayb ka ah shirkadda aan wada-shaqeynta leennahay iyo weliba hay’ado kale oo badan.”

Diyaaraddii_Daallo_Airlines_ee_Qaraxu_Qabsaday_660

Waxaa kaloo Agaasimaha Guud ee Daallo Airlines la weydiiyay waxay is-leeyihiin Dadka waa loo sheegi karaa oo ay hayaan, wuxuuna ku Jawaabay. “Dadka waxaa loo sheegi karaa – weli ma cada sababta uu qaraxu ka dhashay, laakiin arimo badan ayaa farta lagu fiiqayaa, waxaana jira hadallo oranaya inuu qarax ka dhacay diyaaradda, kuwo kale waxay leeyihiin wuxuu ahaa qarax ka dhex-abuurmay diyaaradda, laakiin wax walba oo jira baarista socota ayaa soo saari doona.”

 

Sidoo kale, Maxamed Colaad ayaa ka hadlay Duullimaadyadii Muqdisho ay ku Tegi jireen, wuxuuna xusay inay hakiyeen duullimaadyadii ay ku tegi jireen Garoonka Muqdisho iyaga iyo shirkadda Jubba Airweys oo ay wada-shaqeyn leeyihiin, dib ayaanan kasoo sheegaynaa xilliga la billaabi doono duulimaadyada.

Maareeyaha_Guud_ee_Shirkadda_Daallo_Airlines

Colaad ayaa mar kale la weydiiyay inay shacab badan oo ay qaadi lahaayeen ay ku xayiran yihiin meelo kala duwan oo dunida ah, sidaas awgeed inuu carrabka ku dhufan karo xilliga ay duulimaadyada dib u billaabi doonaan, ayuu sheegay inay qaadan karto maalmo kooban, ayna wax walba ku xiran yihiin baaritaanka socda sida lasoo Bandhigo iyo in Amniga guud ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo sida uu yahay laga sii adkeeyo.

 

Waxaa kaloo, Agaasimaha Guud ee Shirkadda Daallo Airlines la Weydiiyay waxay ka og-yihiin maydka Ruux Rakaabka ka mid ahaa oo Maydkiisa laga helay Aga-gaarka Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna ku jawaabay.

 

“Tirada rakaabkii Diyaaradda ruux ayaa ka maqnaa markii ay Muqdisho dib ugu laabtay… ninkaas maydkiisana waxaa gacanta ku haya Nabad-sugidda Somalia; innaga nooma suuro-gelin inaan isku eegno sawirka ruuxan iyo maydkiisa, balse wax walba oo macluumaad ah oo ku saabsan Ruuxaan dhintay, sida Dukumiintiyadisii iyo Sawirkii aanu ka haynay waan wareejinay, Baarista ayayna kusoo bixi doonaan, Waxyaabaha ay sugaynno ayayna ka mid tahay.”

 

Ugu dambeyn, Maxamed Ibraahim Colaad ayaa intaas ku daray inaysan illaa xilligaan jirin cid soo sheegatay oo leh qof baa naga maqan. Wuxuuna Rakaabkan Geeriyoday ku socday dalka Jabuuti oo uu kasii raaci lahaa Diyaaradda Turkish Airlines.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here