Hargaysa: SONYO Oo Munaasibad U Qabatay Dhalinyaro La Yimid Hal-Abuur Ganacsi

0
460

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO ayaa maanta munaasibad u qabatay dhalinyaro la yimid fikraddo hal-abuur ganacsi oo guulaystay.

Munaasibad loo qabtay dhalinyaradaasi oo maanta ka dhacday magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka wasaaradda qorshaynta Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta.

Sidoo kale waxaa xafladaaasi joogay guddoomiyaha dalladda dhalinyaradda SONYO, agaasimaha SONYO iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Save the Children oo barnaamijkaasi maalgelisay.

Guddoomiyaha daladda SONYo C/casiis Siciid Saalax, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qorsheyaasha daladda ay ka md yihiin sidii loogu dhigi lahaa shaqo la’aanta haysata dhalinyaradda dalka.

Waxaanu guddoomiyuhu tilmaamay in daladda SONYO ay muddo waday dedaalo lagu dhiiri gelinayo dhalinyaradda, tababaro loogu samaynayo.

Dedaaladaasi ay SONYO ku dhiiri gelinayso dhalinyaradda oo sagaal qof ay la yimaadeen fikir ganacsi oo macquul ah ayaa waxaa ka guulaystay oo laga qaatay saddex ka mid, kuwaasoo maanta xafladda loo qabtay.

Halkan Ka Dawo Warkasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here