Hargaysa: Hay’ada Duulista Oo Ka Jawaabtay Eedo Loo Jeediyay

0
611

Hargaysa (Hargeisa Press): Agaasimaha hay’ada Duulista iyo Madaarada Somaliland Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), ayaa ka jawaabay  warar sheegayay in shaqadda laga fadhiisiyay shaqaale ka hawl gala garoonka diyaaradaha Hargaysa.

Hadalkaasi oo ka soo yeedhay xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye, oo uu ku sheegay in Shaqadii laga fadhiisiiiyay Shaqaale ka hawl galayay Madaarka Hageysa.

Maxamed Axmed Xasan oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in 16 qof oo shaqaale ah oo ka hawl galayay madaarka Cigaal Air Port loo soo badalay xarunta haayada Duulista iyo Madaarada, isla markaana aanay jirin shaqo laga eryay shaqaalahaasi.

Waxaanu yidhi “Waxa uu ka hadlay xildhibaan Obsiiye 16 shaqaale ah oo hay’ada Duulista ka tirsan. Waxaanu ku eedeeyay in mareeyaha hay’ada Duulista uu ka saaray shaqadii.

Haddii shaqaalaha hay’adu ay ku dhaqmaan wax baal-marsan sharciga guddi anshax ayay leedahay hay’ada Madaaradu. Waxaana loo eegaa xeerka shaqaalaha dawladda ee Somaliland.

Waxaana lagu qaadaa waxay ka qabaan xeerarkaasi la iskama eryin, shaqaalahaas sida xildhibaanku sheegay. Hay’ada Duulista kuma tagri falin haddii qofka shaqaale ahi kacdoon uu sameeyo ama wax ku lidi ah hay’ada Duulista waxa waajiba in la ganaaxo”.

Waxaanu intaas raaciyay “Sidaa darteed shaqaalahaas la iskama fadhiisin, gudida anshaxa ayaa ka fadhiisatay, waxaana loo soo badalay xarunta hay’ada Duulista.

Markii hore na xarunta hay’ada Duulista ayaa laga badalay, madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaana la geeyay.

Waxaanay hay’adu awood u leedahay in ay shaqaalaha soo badasho, oo ay keento xarunta hay’ada Duulista. Shaqaalaha na waa la isku badalaa, waanay shaqeeyaan” ayuu yidhi Jeberti.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here