“40% Somaliland Malaha Adeegyada Waxbarashada Aasaasiga ah”

0
663

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in dalku aanu lahayn adeegga waxbarashada ee Aas-aasiga ah wax u dhigma boqolkiiba afartan (40%).

Wasiirka waxbarashadu waxa uu xusay in 1,516 (kun, shan boqol iyo lix iyo toban) degsiimo oo ay Somaliland ka kooban tahay 620 (lix boqol iyo labaatan) degsiimo oo u dhigma boqolkiiba afartan (40%) aanay lahayn adeegga waxbarashada ee Aas-aasiga ah.

Isagoona  tilmaamay in saddexda sanno ee soo socda ay wasaaradda u qorshayshan tahay in ay degsiimooyinkaas ku fidiso adeegyada waxbasashada.

Wasiirka waxbarashadda Somaliland waxa uu sidan ka sheegay warbixin uu ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee shalay.

Iyadoo shirkii shalay uu madaxweyne Biixi golaha wasiirrada warbixin ka siiyey heerka waxbarashada dalku ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashada ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashada, tayeynta waxbarshada iyo fidinta waxbarshada ee dalka oo dhan.

Dhinaca kale wasiirka waxbarashadu waxa uu tilmaamay in ay ku hawlan yihiin daadejinta maamulka waxbarashada guud ahaan dalka oo dhan.

Wasiir Axmed Toorno, waxa kaloo uu sheegay  in ay ku guda jiraan tayaynta heerarka kala duwan ee waxbarshada isagoo xusay inay bilaabeen tayaynta Jaamacadaha dawliga ah, sidoo kalana ay qorshe u sameeyeen tayaynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay.

 

 Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here