Hargaysa: Dad Xanuunnada Dhimirka Ka Bogsaday Oo Xirfado La Baray

0
759

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta lagu daaweeyo lagu-na daryeello dadka qaba xanuunnada Dhimirka, ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 13 qof oo xirfadaha gacanta la baray.

Saddex iyo tobankan qof ee shahaadooyinka la guddoonsiiyay ayaa bartay xirfadda Dawaarista, kuwaasoo noqonaya dufcadii 10-aad kadib markii ay ka bogsadeen xanuunnada Dhimirka oo markii hore xarunta Sahan  loo geeyay.

Xarunta SAHAN ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka Qaba Xanuunnada dhimirka ee Magaalada Hargeysa, waxa ku jira Dad gaadhaya 650 Qof.

13-ka Qof oo ah Dufcaddii 10-aad ee xirfado lagu baro xarunta SAHAN ee magaaladda Hargaysa markii ay ka bogsadeen xanuunnada Dhimirka,  ayaa xafladdii qalin-jebintooda waxaa maanta lagu qabtay isla xaruntaasi.

Waxaana xafladaasi ka soo qayb-galay masuuliyiin ka socday laamaha dawladda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka kooowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradda shaqadda,  guddoomiyaha maxkamadda Hargaysa.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay  Culimaw-diin uu ka mid ahaa Sheekh Aadan Siiro, madax-dhaqameed, masuuliyiinta xarunta SAHAN, siyaasiyiin iyo Waalidiin.

Guddoomiyaha xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac,  oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xaruntani ay siyaabo kala duwan oo marxalado kala gedisan soo marta u daawayso dadka.

Waxaanu xusay in ay aad ugu faraxsan in dad markii hore iyagoo xanuunsanaya xarunta la keenay ay hadana maanta wax barteen.

????????????????????????????

Isagoo faahfaahin ka bixiyay qaabka ay dadka u daaweeyaan, waxa uu   yidhi “Qofka marka halkan la keeno,  waxaa la siinayaa gar-gaar deg-deg ah oo ay Dhakhaatiirtu siiyaan.  Waxa la siiyaa meel nadiif ah si uu u seexdo.

Waxa jira masaajidkii, Rayiislihii, Maktabadda akhriska, goobta Jimcisiga iyo Iskuulka Waxbarashada. Waxaana loogu talo-galay in qofku noqdo sidii qof magaaladda jooga oo kale.

Farxaddayada lama soo koobi karayo. Waayo? Bani’aadamku markay arkaan Midhaha Tacabkooda (Way farxaan),  intaa aad markhaatiga nooga tihiin ayaa nagu filan.”

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay  Agaasimaha Xarunta SAHAN Kayse Xasan Cumar, waxaanu yidhi “Qofka marka Sahan la keeno,  waxaanu ku dedaal-naa inuu ka baxo isagoo Maskax ahaan u caafimaad qaba iyo jidh ahaanba.

Waxaanu intaa u raacinaa in aanu barno Farsamo Gacmeed aanu barno, maanta-na   waxaad goob-joog u tihiin dufcaddii 10-aad”.

Agaasime Kayse,  waxa uu la dar-daarmay Ardayda la baray xirfadda Dawaarka iyo Waalidiintooda. “Waxaan idinku dhiirigelinayaa in jidkaa saxda ah ee la idinku riday aad sii haysaan, in xirfadihii aad barateen aad ku camal fashaan,  oo aydaan tacab khasaarin.

Balwadihii-na aad  iska daysaan, Waalidiinta-na aad  la shaqaysaan.  Waalidiinta waxaanu ka codsanaynaa in qofku marka uu halkan SAHAN ka baxo aan faraha laga qaadin ee laga war hayo”ayuu yidhi agaasime Kayse.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo isna halkaas hadal ka jeediyay  ayaa ku  bogaadiyay maamulka xarunta SAHAN barnaamijkan ay dib u habaynta maskaxeed ugu sameeyeen dadkaasi.

Waxaanu yidhi  “Sidaa imika Sahan samaysay, waxaynu u baahan nahay in aynu dadkeena farsamada Gacanta barno, sida Dawaarka.

Sahan-na waxaan ka codsanayaa inay farsamooyin kale-na ay dadka u soo kordhiso, si qofku uu Xirfado badan oo uu noloshiisa ugu maarayn karo u barto. Ardayda-na waxaan leeyahay Hambalyo”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Cabdirashiid Sheekh Ibraahim, ayaa isna ballan-qaaday inay ka wasaarad ahaan Ardayda qalin-jebisay siinayaan qalabka Dawaarka Dharka lagu tollo  (Makiinnadaha Dharka).

“SAHAN waanu ku bogaadinaynaa kaalinta weyn ee ay qaadatay. Imika wixii ka dambeeya kaalintayada waanu qaadanaynaa. Maanta  Wasaaradda Shaqo-gelinta oo dawladda ka Wakiil ahi waxay 13-kaa qof ee qalin-jebiyey siinaysaa qalabka ay ku shaqo gelayaan (Makiinnadaha Dawaarka)” ayuu yidhi agaasime C/rashiid.

Isagoo  hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu Sahan ku aragnay waxyaabo qiiro leh, hawsha meesha ka socotaana waa kuwo dawlado oo keliya ka bixi karaan.  Sidaasi darteed Kaalintayadii ayaa la tabanayaa,  waanu-na buuxinaynaa.

Waxaanu ka shaqaynaynaa qalabka Farsamada Gacanta ee xaruntu u baahan tahay, taana waanu ballan-qaadaynaa, waajibaadkii dawladda-na waanu gudanaynaa”.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay agaasimaha cusbitaalka Dhimirka ee  Hargaysa  Dr. Mustafe,  oo  ayaa dar-daaran u jeediyay waalidiinta, waxaanu yidhi   “Waalidiinta waxaan leeyahay, haddii aad ilmahaaga fahmi waydo,  gee dhakhtarka kuugu dhaw. Dhakhtarkaasi haddii aanu ahayn kii takhasuska ahaa wuxuu ku siinayaa Tallo aad ugu gayso Dhakhtarkii Takhasuska ahaa”.

Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargaysa,  oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in qof kastoo lagu hayo Xarunta SAHAN  uu Fayl ku leeyahay Maxkamadda,  isla-markaana inta aan Xarunta la gaynin Maxkamadda la soo mariyo.

Kadibna ay u diraan cusbitaalka Dhimirka ee dawladda, marka Xanuunkiisa la xaqiijiyana loo gudbiyo Xarunta SAHAN. “Qof kastoo halkaa SAHAN la keenaa Maxkamadda degmada wuxuu ku leeyahay Fayl”ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda Hargaysa.

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro),  oo ka mid ah Culimada Somaliland oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Xarunta SAHAN ay u baahan tahay in loo qodo Ceel-biyood, maaddaama oo baahida ugu weyn ee Xarunta haysataa tahay biyo.

“Meeshan waxa lagu hayaa 650 Qof oo Xanuunsanaya oo wada kala dabeecad ah, mid walba meel laga keenay, qaarkoodna Maandooriye iyo hawlo kale oo badan ku soo dhaceen, laakiin Maanta waydinkaa arkaya sida wanaagsan ee ay u fadhiyaan” ayuu yidhi sheekhu.

Isagoo hadalka sii watayna  waxa uu yidhi “Meeshani Gurmad bay u baahan tahay, Gurmadka waxa ugu horreeya Biyo, Deraasad baa la sameeyay (Waxa la ogaaday oo) biyuhu u jiraan 250 Mitir, waa 70 kun dollar (ayaa lagu qodayaa Ceelka).

Markaa waxaan leeyahay Dawladdeena oo Madaxweynuhu ugu horreeyo, Tujaarteena, Culimadeena, bal aynu Biyahaa ku tun-tuunsano oo Riiggaa aynu u qodno.”

Sheekhu wuxuu sheegay in Ceelkaa loo hayo hadda lacag dhan $ 8500 dollar, isagu-na uu bixinayo 3000 kun ee ugu horreeya, sidaa darteedna la iska kaashado sidii Xarunta SAHAN loogu qodi lahaa Ceelka.

Waxaanu yidhi “Lacagta $8500 dollar waa loo hayaa, 3000 dollar ee ugu horreeya Anigaa jeebbadayada ka bixinay bixinayna”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here