HALYEYADA QARANKA YAAN GUULAHA LAGA LA MASUUGIN

0
938
Mohamed Hagi Mohamoud

Taariikhda qaran kasta waxa uu leeyahay summad iyo tixraac siyaasi ah, oo geedi-socod u ah nolosha dadka ku nool iyo jiddadkii ay soo marreen xilliyadii halganka dawladnimo. Qarankeena Somaliland waa mid naf iyo maalba aynnu u hurney intii uu jiray ee 25 sano ahayd. Dabaqaad kasta oo bulshadeena ka mid ahi qayb weyn bay ka soo qaadatay dhismihiisa.

 

Ha se yeesho e, maanta haddii la is yidhaa guulaha qaranka dib u jaleeca oo sunta, waxa ku suntamaya afar nin oo kaliya, waa haddii taariikhda sida tan loo celiyo e,1991-2016. Taa macnaheedu ma aha in aan qaranku halyeyo kale lahayn, waa se in kaliya la bandhigo cidda ku kaliyeysatay hoggaamintiisa ee madaxa looga dhigay.

 

Qarannimada iyo nidaamka hab-dawliga ah, ee taariikhaha ummadaha ayaa sida tan jiddaynaya. Guusha ummadaasi wada lahayd cid kaliya ayey taariikhdu u nisbo saarreysaa. Sababtu wax kale ma aha, waa in afartaa nin ay shacabku xil iyo xoollo saarteen, oo ay ku aammineen masiirkoodii ummadnimo si nabad, dhaqaale abuur iyo dalnimo dawli ah uga dugsadaan.

 

Haddaba kuwa ma ayey kala ahaayeen raggaa maanta u nisba sheegganaya wanaagga Somaliland, ee ay taariikhda dawladnimada iyo siyaasadduba u hiilliyeen?

 

  1. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), dalka maanta aynnu nabadda ku wada joogno ee arkaanta qarannimada oo dhami u dhan tahay ayuu cadow ka xorreeyey, oo uu waliba ku dhawaaqay goonni isu taaggiisa. Guushani waa mid aad u ballaadhan waxa se ay ku kaliyeysataa Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur). Cid la sheeggan kartaa ma jirto, hoggaanku isaga ayuu ahaa AHUN.

 

Waxa uu ku suntan yahay Cabdiraxmaan Tuur dalka xorreyntiisii iyo madaxbannaanidii Jamhuuriyadda maanta aynnu dawladnimada wacan ku hoos haysanno ee asxaabtu ku hoos tartamayaan. Maraaxilkaana isaga ayaa ka soo gudbiyey qaranka, cid wal oo kula shaqeysayna fekerkiisii iyo awaamiirtiisii xukun uun bay fulinayeen.

 

  1. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, dawladnimada aynnu maanta haysanno waa ninkii dhisay. Dastuurka, lacagta, basaboorka, ciidamada, iyo dhammaan hay’aadka dawladda ee jira isaga ayaa ku suntan oo taariikhdu u kaliyeysay.

 

Nooc wal oo dawladnimo oo maanta aynnu gacanta ku hayno, iyo shuruucda substantive ka ah ee waaweyn hindisaheeda ayuu lahaa. Marka ay maskaxdeena ku soo dhacdo dawladnimo dalkani yeesho waa qofka sawir dheeggiisu maskaxdeena ku yaal.
Sidaas oo ay tahay, cid la sheeggan kartaa wanaagga dawladnimo ee aynnu kaga duwannaaney Afrika inteeda badan ma jirto. Waxa mucjisada innaga dhigay waa fekerkii iyo hal-abuurkii siyaasiga ahaa ee Cigaal AHUN.

  1. Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu ahaa Madaxweynihii hirgaliyey nidaamka axsaabta badan ee dimuqraadiga ah. Waa Madaxweynihii ugu horreeyey ee shacabku ay gacantooda ku doortaan, isla markaana gacantooda ku beddelaan.

 

Waa Madaxweynaha inna baray in haddii xukunka lagaa ga guuleysto in aad si nabad qab ah xilka ugu warreejiso cidda iyo xisbiga kaa adkaaday (peaceful power transfer).

 

Ammuurta noocan ah ee xil warreejintu waa mid Qaaradda Afrika iyo meelo badan oo caalamka ahba ku cusub. Guushaa balaadhan ee qaranka u soo hoyatay, ninka tunka ku qaatay ee maanta ku suntani waa Rayaale.

 

  1. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waa Madaxweynihii horumarka iyo wax qabadka Somaliland. Haddii Cabdiraxmaan Tuur qarankan dhidbay, Cigaal dawladnimada iyo shuruucda dalka unkay, Rayaale na dimuqraadiyadda hirgaliyey oo uu inna baray nidaamka dimuqraaadiga ah, Axmed Siilaanyo waxa uu dhisay dhaqaalaha Somaliland.

 

Waxa uu sammeeyey mashruucii ugu weynaa ee dhismaha waddada Ceerigaabo, beddelistii giinbaarta gobollada Bari, darajada ciidamada, korodhka mushaharaadka shaqaalaha dawladda iyo horumarinta iyo taabbo galinta suuqa xorta ah ee ganacsiga.

Afartaa Madaxweyne ee dalka soo maray guulahaa ayey kala leeyihiin. Cid wal oo dawladdooda qayb ka soo noqotay, guushaa dirmadeeda ayey wax ku leedahay. Waa dirmadeeda kaliya amma hirgalinteeda, ma se laha marnaba fekerkeeda.

 

Ciddii sheeggata waa ku ceeb, waa in aynnu baranno dawladnimadu waxa ay tahay. Wakhtigii Cabdiraxmaan Tuur ma jirin qof guul sheegtay oo kaaliye u ahaa Madaxweynaha, Cigaal ma jirin, Rayaale ma jirin, Siilaanyo in uu jiro na ma aha.

 

Shacabka wanaagsan ee Reer Somaliland waxa aan leeyahay, gar-naqa oo ha ogolaanina in guul cid aad doorateen oo aad igmateen in laga la masuugo. Waa qaran jab runtii in ay sida tan oo kale dhacdo.

 

Adduunka ayaa innagu la yaabi doona, ma aha in dawladnimo aqoon la’aanteenu ilaa heerkaa gaadho. Wax aan la isugu garaabi karin ayaa jirta. Ha ogolaanina in Madaxweynihii aad doorateen guusha cid aydaan doorani ka sheeggato oo ay ka qaadato amma la sheeggato oo ay is barbar dhigto.

 

In la is ixtiraamo, oo guusha la isku hanneeyo waa laga ma maarmaan. Xaasidnimadu ma wacna, Madaxweyne Siilaanyo waa cadceed casar oo sii libdhaysa, in badan buu innoo adeeggay, yaan laga la masuugin wixii uu inna taray, mahadsanidna waa dan eh. Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@gmx.co.uk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here