Halkuu Marayaa Xeerka Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda JSL

0
152

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddida Arrimaha Bulshada ee golaha Wakiillada Somaliland.


Waxaana kulankaasi guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda ku wehelinayay Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah saraakiisha haayadda Shaqaalaha dawladda.

Kulankan ayaa Guddoomiyaha haayadda Shaqaaluhu sharraxaad kooban ka siinay xubnaha Guddida Xeerka Hawl-gabka Shaqaalaha dawladda.

Kaas oo hore ay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, haatana hor yaalla Golaha Wakiillada si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Xeerka Hawl-gabka Shaqaalaha Dawladda ayaa ka mid ah Ajandaha kalfadhiga Golaha Wakillada ee hadda lagu jiro.

Iyada oo maalmaha soo socda uu goluhu si rasmi ah u gudageli doono doodda ku saabsan xeerka oo ay markaa waajibkooda dastuuriga ah ka gudan doonaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here