“Suldaanadii hore siyaasadda may gali-jirin ee Beelaha ayay kala hagaajin-jireen…”

0
177

Berbera (HP): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku booriyay madaxweyne Biixi, iyo xukuumadiisa in ay fuliyaan go’aamadii madax dhaqameedka Barriga Burco.

Eng. Faysal, ayaa sidoo kale xukuumadda ku dhaliilayay tallaabooyinka ay caadaysatay ee ay ganacsatada dalka dhaqaale aan sharci loogu lahayn ku waydiisato, isla markaana xilka qabashada doorashadu uu xukuumadda saaran yahay.


Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad maanta lagu caleemo saarayay Suldaanka guud ee beesha Muuse Cabdalle, Suldaan Cabdisamad Suldaan Maxamed Xasan, oo ka qabsoontay magaaladda Berbera.

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa dhaliilay tiro bad-naanta iyo tayo xumada madax dhaqameedka dalka ka jira.

Waxaanu sheegay in waayadii hore ay aad u koobnayd tiradda madax dhaqameedka Somaliland, isla markaana ay ahaayeen kuwo dhawrsoon oo aan siyaasada shaqo ku lahayn.

Madax dhaqameedkii xiliyadii hore ayuu guddoomiyaha UCID ku sifeeyay in ay ahaayeen kuwo shaqada ugu weyn ee ay bulshada u hayn jireen ay tahay kala celinta ama nabadaynta beelaha.

Hayse yeeshee madax dhaqameedka waayadan danbe ayuu ku tilmaamay Eng. Faysal, in ay noqdeen kuwo ka gudbay xayn-daabkii hogaanka dhaqanka lagu yaqaanay, isla markaana ay ku milmeen siyaasada.

DAAWO: Khudbadda Guddoomiyaha UCID:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here