“Hadalka Obama Waxa Iga Baxay Oo Aan Aad U Jeclaystay Saadaasha Mustaqbalka Afrika Inay Noqonayso Xudunta Koboca Dhaqaalaha Adduunka,” Siciid Sheekh Cumar

0
862

Nairobi, (HargeisaPress) — Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant Siciid Sheekh Cumar ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kaga qayb-galay shirka caalamiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga adduunka, kaasi oo uu Madaxwaynaha Maraykanku daah-furey maanta.

11752605_1611231872458550_4544624367571092043_n

Shirkan oo ay ka qayb-galayaan boqollaal ganacsatada kala duwan ayaa waxa Siciid Sheekh Cumar ku marti-qaadey dawladda Maraykanka, si loo dhiiri-geliyo hal-abuurka ganacsiga, maadaama Siciid ka mid yahay dhallinyarada reer Somaliland ee ganacsigii ay hal-abuureen ka midho dhaliyay

Siciid Sheekh Cumar 3

“Dareenkaygu aad iyo aad buu u wanaagsan yahay, Madaxwaynayaashuna si aad u qurux badan ayay u hadleen oo dareenkayagu ku farxay…”Sidaa waxa uu kaga jawaabay Siciid Sheekh Cumar oo shalay su’aal Idaacada BBC-da laanteeda Af-ka Soomaaligu wax ka waydiisay dareenkiisa,waxaanu intaasi sii raaciyey inay tahay markii koowaad ee uu ka qayb-galo shir noocan oo kale ah “Haa…waa markii iigu horeysay ee aan ka qayb-qaato shir noocan oo kale ah..”

Mulkiilaha Hudheelka Summer-Time Restaurant Siciid Sheekh Cumar oo la waydiiyey waxa uu ku soo gaadhay heerkan uu ka qayb-galayo shirka caalamiga ah ee Hal-abuurka ganacsiga, ayaa ku jawaabay isagoo khudbaddii Obama shirka ku furay ku soo hal-qabsanaya “Heerkan waxaan ku soo gaadhey taa uu Madaxwayne Obama leeyahay waanu dhiiri-gelinaynaa ee (Hal-abuurka Ganacsiga), taasi ayaa keentay inaan shirkan Imaaddo oo ay iyagu (Mareykanku) casuumadda i siiyaan,waayo waxaan leeyahay oo aan ka socdaa (Summer Time Group ama Summer Time Restaurant) oo Hargeysa ah…”

 

Siciid Sheekh Cumar 4

Sidoo Kale, Mar Siciid Sheekh Cumar la weydiiyay waxa uga baxay hadalkii Madaxweyne Obama? Waxa uu ku jawaabay“Hadalka Obama waxa iiga baxay oo aan aad u jeclaystay saadaasha uu saadaalinayo in mustaqbalka Afrika noqonayso xudunta koboca dhaqaalaha (adduunka), isagoo leh Madaxwayne Obama mar walba waanu caawinaynaa haweenka iyo dhallinyarada (la yimaadda hal-abuur ganacsi)…”

Siciid Sheekh Cumar 1

Ganacsadahan da’ada Yar ee reer Somaliland Siciid Sheekh Cumar ayaa waxay da’diisu tahay 37-jir waxaanu leeyahay Hudheelka loogu jecel-yahay Somaliland ee Summer-Time Restaurant, isaga oo ganacsigiisa ka bilaabay Dukaan yar oo Shaaha iyo Bunka lagu iibiyo sanadii 2003-dii imikana uu korey ganacsigiisu,waxa uu Sameeyey Hoolka Casriya oo lagu qabto Xafladaha oo la yidhaahdo Summertime Green Plaza , Sidoo kale waxa uu curiyay Huteel cusub oo ah hurdo loo sameeyey habka guryo goglan oo isku qoofallan (Apartments), waxa imika socda Huteel Shan Dabaqa oo sanadka 2016-ka la furi doono.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here