Guurtidda iyo Guddiga Wanaag Farista Oo Iska Kaashanaya Shuruuc Lagu Xakamaynayo Dhaqamadda Shisheeye

0
632

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddi hoosaadka nabadgeliyadda iyo arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda Somaliland iyo gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa iska kaashanaya sidii loo curin lahaa shuruuc lagu hago dhalinyaradda wadanka dhaqan celis ahaan loogu soo celiyo.

Waxaanay kulan arrimahaas lagaga tashanayo laba dhinac maanta ku yeesheen xarunta golaha Guurtidda ee magaaladda Hargaysa.

Iyadoo la isla gorfeeyay sidii xal loogu heli lahaa dhaqamadda ay soo waaridayaan dhalinyaradda wadamadda dibadda laga soo celiyo, isla markaana aanay dhaqamadda iyo dabeecadaha ay wataan ugu dhex milmin dhalinyaradda wadanka jooga.

Kulankan ay guddiga wanaag farista iyo guddi hoosaadka arrimaha bulshadda Guurtidu yeesheen ayaa ka danbeeyay qaylo-dhaan ay guddiga wanaag faristu u gudbiyeen Guurtidda, taasoo ku saabsanayd sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadan soo korodhay.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan, oo ah  guddoomiyaha gudi hoosaadka nabadgeliyadda iyo arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii diiradda lagu saaray kulan ay wada yeesheen iyaga iyo gudida wanaag faristu.

Geesta kale masuul u hadlay xubnaha guddiga wanaag farista ee kulanka la yeeshay guddi hosaadka arrimaha bulshadda ee Guurtidda ayaa sheegay in ay si wanaagsan isku af-garteen sidii  shuruuc wax lagaga qabto loo heli lahaa dhalinyaradda dhaqamadda shisheeye wadamadda dibadda ka soo min-guuriyay.

Halkan Hoose Ka Daawo Iyagoo Arrimahaas Labadda Dhinac Ka Hadlayay:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here