Guriga Wasiir Waran Cade oo weerar lagu qaaday iyo Xogaha Kasoo Baxay

0
1039

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xalay fiidkii bacda afurkii waxa mar kaliya la maqley rasaas ka dhacaysay guriga wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane Cali Maxamed Warancade oo ku yaala dacalka bari ee magaalada hargeysa, mana jiro wx khasaare ah oo ka dhashay rasaastaa.

 

Cidda werarka guriga ku qaaday waxa kasoo baxay warar kala duwan mana jiro wax war ah oo uu wasiiirku kasoo saaray xaaladii xalay ka dhacday gurigiisa.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in nin kamida ehelada wasiirka oo ay wasiirka is qabteen uu weerar gacanta ah oo uu faash u adeegsaday ku qaaday mid kamida ilaalada wasiirka taas oo ay ilaada wasiirkuna kaga jawaabeen rasaas tiro badan oo ay rideen.

 

Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in ninkan weerarka qaadat uu ka mid ahaa dadkii ka shaqeeya libaaxyada uu wasiir waran cadde uu hayst, kaas oo guriga wasiirka kusoo qaaday weerar kadib markii ay wasiirka is qabteen.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

 

Wasiirka arimaha gudaha oo uu geeska Africa isku dayay inuu arrimta wax ka waydiiyo ayaanay u surto galin.

 

Dhanka kale Telefeeshinka HCTV ayaa isna bahiyay n rasaasta guriga ka dhacday ay socotay salaadii maqrib iyo saladii cishaa’.

 

Ciidamada booliksa ayaa sida teelfeeshinku sheegay waxay xaqiijiyeen inaan wax khasaare ah ka dhiciin balse caiidmada boolisku ayaa gaadh culus ka hayay xalay guriga wasiirka.

 

Sida uu HCTV sheegya ayaa waxa uu sheegay in ninka weerarka gaystay ay isku qaraabo yihiin wasiirka kana mid ahaa shaqaalaha goobta lagu hayo libaaxyada.

 

Dadwaynaha ku nool xaafadaa uu ku yaalo guriga wasiirku ayaa xalay ku khalkhalay rasaasta ka dhacday guriga taasoo naxdin iyo warwara ku abuurtay dadwaynahaasi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here