Gudiga Abaaraha Oo Deeqo Raashina Ah Gaadhsiiyey Tuulooyinka Deegamada Gobolka Gabiley

0
1019

Gabiley, (HargeisaPress) —Gudiga abaaraha gabolakni gabiley oo ay weheliyaan masuuliiyinta gobalku ayaa deeqo raashimo ah gaadhsiiyey tuulooyink/deegamada uu ka kooban yahay gobalkani gabiley iyagooo deeqahasi raashinka ku wareejinayey dadkii aay aabaruhu haleelen oo ay guud ahaanba ka dhamadeen duunyadadii iyo xoolihii ay gabi ahaanba kalasoo bixi jireen baahiyihii nolashooda ay ku dabari jireen isla markaana ilaaa imika kazoo kaban dhibaatooyinki ay abaarahu ugaysteen oo ay wali daranyo iyo diif badani ka muuqato dushooda hadaba gurmadadan deeqaha raashimada ayaa mudo saddex cisho ay dugiga abaaraha iyo masuulinta gobalkani gabiley ka waddeen dhinacyada waqooyiga koonfurta iyo deegamada kale oo guud ahaanba uu ka koobanyahay gobalkani hadaba waxa maalmahan udanbeeyey la gaadhsiiyey ilaa 3200 oo qoys

 

Hadaba dadka ay abaaruhu haleelen oo ay guuud ahaanba ka dhamadeen wixiii ay  duuunyo iyo xooolaba lahayeen ayaa maanta ubaahan in loo xooleeyo lagana caawiyo beer qodashada madaama oo neefafkii ay saylada ka iibin jireen ay qadeen abaarihii baahsana ee guud ahaanba deegamada /tuulooyinka gobalkani gabiley gaadhsiiyey dhibaaatooyin iskugu jira dhaqaale la.aan iyo cunto la,aaanba hadaba dhibaataatoyinka isasudhan ayaa ubaahan kuwo mihiim u ah dadka dhibaataysan ee ay soo wajaheen xaalado dhaqaaale la.aaan oo gabi ahaanba aanay gacantoooda ku jirin dhaqaale ay beeraha ku qodaaan.

 

Sidoo kale gudiga abaaraha iyo masuulinta gobalkani ayaa iyagu ah kuwo hoo iyo hiilba ah ugu jira dadka dhibaataysan oo aan marnaba cagta iyo booqashadaba ka qaadin walaloohoda dhibaataysan isla markaana udhago nugul wixii baahi ah ee ubaahan in wax laga qabto.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here