Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Kormeeray Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco oo lasoo gaadhsiiyay dad Abaartu Saamayn Caafimaad ku yeelatay.+ SAWIRRO

0
1296

Hargeysa,(HargeisaPress) —Guddoomiyaha Xisbul xaakimka KULMIYE ahna Murrashaxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka Tirsan Xukumada iyo Saraakiil ka mid ah Xisbiga KULMIYE ayaa maanta kormeeray Cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo lagu daweynayo dad reer guuraa ah kuwaasi oo xaalado caafimaad oo kala duwan ay ku yeelatay Abaaraha ka jira Somaliland .

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi , Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamud Cali Saleban Ramaax , Maayirka Magaalada Burco Maxamed Yusuf Muraad , Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo madax kale ayaa Cusbitaalka ku booqday dad reer guuraa ah kuwaasi oo u badan dumar iyo caruur oo Nafaqadaro darteed loosoo gaadhsiiyay Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Weftiga ayaa booqday qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka iyaga oo Warbixino ka dhagaystay maamulka guud ee Cusbitaalka Burco iyo dakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka.

Xaaladaha Abaareed ee ka jira gobolada barriga Somaliland ayaa saamayn xoogan ku yeeshay dadka xoolo dhaqatada ah kuwaasi oo wakhtigan ku sugan xaalad adag oo abaareed, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Cusbitaalka Guud ee Burco maanta ugu deeqay 50 Neef oo adhi ah kuwaasi oo guddoomiyuhu ugu talo galay dadka xanuunsanaya ee Cusbitaalka u jiifa Xaaladaha Caafimaad.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer Xasan Cabdillaahi Axmed ayaa deeqdaasi ka kooban 50 neef ee adhiga oo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u wakiishay ku Wareejiyay maamulka Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco iyo iyadoo maamulka Gobolka Togdheer goob jog ka ahaa.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here