Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Murashaxiin La Xidhay

0
412

Gabiley (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay laba murashax oo xisbigiisa ka tartamaya oo ay shalay ciidamadda boolisku ku xidheen  magaaladda Hargaysa.

Murashaxiintaasi oo laba ah ayaa shalay ciidamadda boolisku ka soo xidheen deegaan ka tirsan gobolka Maroodijeex, halkaasoo ay kula shirayeen beelahoodda.

Labadan murashax oo ka sharaxan xisbiga UCID una kala tartamaya goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ayaa la sheegay in sababta xadhigoodda  uu madaxweyne Biixi ka danbeeyay.

Tallaabadaasi ayuu guddoomiyaha xisbiga UCID ku tilmaamay mid aan meesha qaban, isla markaana aanay sharci ahayn in xukuumadu ay xidho murashaxiinta ka tartamaya xisbiyadda mucaaradka ah.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Gabiley oo lagu shaacinayay murashaxiin xisbigiisa uga tartamaya doorashooyinka isku sidkan.

Waxaanu tilmaamay in shalay kulan uu madaxweyne Biixi la yeeshay guddoomiyeyaasha goboladda dalka iyo maayarrada uu ka sheegay in la ilaaliyo xuquuqda murashaxiinta.

Geesta kale guddoomiyaha UCID ayaa duray hadal uu shalay madaxweyne Biixi u jeediyay guddoomiyeyaasha goboladda dalka iyo maayarrada magaalooyinka oo ahaa in maayaradda mar kale sharaxan ay iska ilaaliyaan in ay ololahoodda u adeegsadaan hantidda qaranka.

Iyadoo ay ka ilaalinayaan maayaradu in aanay hantidda qaranka olole u isticmaalin badhasaabyadda iyo hanti dhawrka qaranka.

Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa arrintaasi ku tilmaamay inuu hadalkaasi aad uga xun yahay, isla markaana uu yahay mid aan meesha qaban, balse ay taa bedelkeedda ahayd in uu wareegto shaqadda kaga joojiyo.

DAAWO: ENG. FAYSAL OO ARRIMAHAA KA HADLAYA:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here