Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Madaxweynaha Ku Amaanay Tayaynta Uu Ku Sameeyay Gar-soorka Dalka

0
742

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar ismaaciil ayaa ku amaanay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, sida uu is-bedelka muuqda ugu sameeyay cadaaladda iyo gar-soorka dalka, gaar ahaana in kor loo qaado tayadda gar-sooreyaasha maxkamadaha.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi Jeex oo maanta warbaahinta la hadlay magaaladda Hargaysa, waxa uu sheegay in xukuumadda Kulmiye maxkamadaha dalka ka hawlgelisay dhalinyaro aqoon yahamiin ah, taasi oo uu guddoomiyuhu ku tilmaamay inay tahay mid si weyn uga bedeshay hanaanka gar-soorka dalka.

 

Waxaanu yidhi “Waxaanu u mahadnaqaynaa madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ku dhiiraday inuu saxeexo heshiiskii dhalinyaradda iyo dadka wax bartay ku soo geli laahaayeen gar-soorka dalka. Waxa kale oo aan uga mahadnaqaynaa heshiiskaa UNDP oo nala saxeexday, kaasi oo ahaa in gar-soorka lagu soo daro dhalinyaro aqoon leh”.

 

Axmed Dalmar Ismaaciil, waxa kale uu tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo maxkamaddaha ka hawlgalisay boqol gar-soore oo uu hore ugu balanqaaday madaxweynuhu in lagu soo darro bahda gar-soorka dalka.

 

“Boqol qof ayuu balanqaaday madaxweynuhu, boqolkiiba gar-soorka way soo galeen, waana muraayadda gar-soorka. Madaxweynaha waan uga mahadnayaa hiilka iyo ka war-haynta uu nala garab taagan yahay, inuu gar-soorka ka caawin doono wixii ay u baahdaan.

 

Sida qalabaynta, in aqoonta kor loo qaado, in mushahar kordhin loo sameeyo gar-soorka, oo baahidooda la dhamaystiro. Waayo haddii gar-sooruhu baahan yahay weli cadaaladi ma sugna” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here